Maxamed Kaahin Oo diiday Banaanbixii Muncaaradku Dalbadeen
May 29, 2022 - Written by Ahmed ALI
War Deg Deg ah:- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shaaciyay in wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ay joojiysay banaanbaxyadii ay doonayeen Axsaabta Mucaaridka Somaliland.
Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sheegay in qoraalkii mucaaridku u soo gudbiyeen ee ku saabsanaa qabashada banaanbaxyadu aanu waafaqsanayn sharciga.
Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridku diiden kulankii uu ka dalbaday Wasiirku shalay inay ka wada yeeshan banaan baxyadaasi.
Wasiirku wuxuu sheegay in cidii qabata banaanbaxyo aan la ogalaan ay ka soo horjeedo amaanka iyo sharciga Somaliland.
Goor dhow kala soco MMTV warkan oo dhamaystiran.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS