BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi Oo Wareejinaya Gudoomiyaha Kulmiye + Yuu Ku Wareejinayaa
April 18, 2022 - Written by Ahmed ALI

Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Sheegay Inuu Tallaabo noqon karta Bam Siyaasaddeed uu dhex tuuro Siyaasiyiinta Bariga Burco.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi, ayaa la sheegay inuu qorshanayo in uu wareejiyo xilka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, isaga oo qaaday tallaabooyinkii u horreeyey ee uu arrintaasi meel marinayo.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Madaxweynaha iyo Xisbigiisa oo arrintan ku saabsan, balse yeeshee sida ay tibaaxeen warar xogogaal ah oo aan helay, waxa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi u yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Giirre, kuwaas oo uu u bandhigay qorshaha uu ku doonayo inuu ku wareejiyo Xisbiga Kulmiye.

Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu labadan masuul u soo jeediyey in ay ka shaqeeyaan sidii cidda Guddoomiyaha isaga ka dhaxli lahayd uga shaqayn lahaayeen deegaan ahaan, isla markaana u keenaan Masuul ay isku raacsan yihiin oo Guddoomiyaha Xisbiga lagu wareejiyo.

Wararku waxa kale oo ay intaasi sii raaciyeen in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Kuxigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Mirre Giirre, iyaga hawshaasi iskaga sii wareejiyeen Mudaneyaal 10 xildhibaan ah oo laba gole ee Wakiillada iyo Guurtida ka tirsan, kuwaas oo ka shaqayn doona hawsha madaxweynuhi codsaday.

Tallaabadan uu Madaxweynuhu qaaday, oo ah tii u horreysay ee uu ku muujiyo inuu diyaar u yahay wareejinta Xisbiga Kulmiye, ayaa durba dadka siyaasadda falan-qeeyaa ku tilmaamayaan in ay tahay bam siyaasaddeed khilaaf cusub ka dhex abuuri kara Xisbiga Kulmiye iyo weliba siyaasiyiinta deegaanka Bariga Burco, kuwaas oo la saadaalin karo in ay isku raaci karin hal siyaasi oo ay ku taliyaan in Guddoomiyaha Xisbiga lagu wareejiyo, madaama oo labada Siyaasi ee ugu cadcad booskan oo kala ah Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ay kala taageeri kala xubno hawsha loo xil saaray.

Tallaabadan ayaa sidoo kale keeni karta in ay khilaafkii uu ka dhex qarxo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Kuxigeenkiisa Maxamed Kaahin oo isu arka inuu yahay dhaxal-sugaha dhabta ah ee xilka Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye, isla markaana arrimaha wareejinta ku saabsan ay tahay mid isaga lagala tashado.

Saleebaan Saxansaxo

COMMENTS