BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Oo Qaabilay Wafti Ka Socda Dalka Jabuuti.
April 4, 2022 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Mudane Siciid Nuur Xasan.

Waxaanu ujeedka safarka weftigani daarranaa farriin ay ka sideen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahayd tacsi iyo tiiraanyo uu u soo diray shacbi weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee masiibada dabku ku habsatay iyo in ka dawlad Jabuuti ahaan ay diyaar ula yihiin shacbiga Somaliland wixii karaankooda ah ee ay gacan kaga geysan karaan taakulada masiibada dabkii baabiiyey suuqii weynaa ee Waaheen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyey weftiga waxaanu uga mahadceliyey dawladda Jabuuti iyo shacbigeeda gurmadka iyo tacsida ay la garab istaageen shacbi weynaha Somaliland, waxaanu si gaara ugu mahadnaqay madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee saacadihii ugu horreeyey ee dabku socday la soo xidhiidhay lana wadaagay dareenkiisa murugada leh shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulankaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gashaandhiga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), Wasiirka Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Mustafe Cali Bile, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Mudane Cabdilaahi Faarax Cabdi, wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, wasiir ku xigeenka Amniga Mudane Cabdilaahi Maxamed Xuseen, Maareeyaha Hay’adda Duulista Cumar-sayid Cabdilaahi Aadan, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Dab-damiska, Sarreeye guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), Safiirrada Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada Dal, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed iyo Amb Xuseen Cumar Kawaaliye iyo Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile.

Weftiga ka socday waddanka Jabuuti, ayaa kala ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Siciid Xasan Nuux, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Mudane Yuusuf Dawaaleh, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jabuuti, Col. Maxamed Jaamac Ducaale, Taliyaha Ciidanka Cirka Col. Wahib Muuse Maxamuud, Agaasimaha guud ee Hay’adda Gaadiidka iyo Jidadka, Suubane Siciid Ismaaciil, Guddomiyaha Hay’adda u Diyaar Garowga Aafooyinka Dabiiciga Ah, Axmed Maxamed Madar, Commandant Maxamuud Xuseen Cumar, Commandant Xasan Ducaale Warsame iyo Xildhibaan ka socda Baarlamaanka Jabuuti Cumar Naala Tuur.

Ugu danbayntii weftigu waxay booqdeen suuqa waaheen ee ay saamaysay masiibadii dabku, waxaana halkaa warbaahinta kula hadlay wasiirrada Arrimaha Gudaha ee Labada Dal, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jauuti iyo Maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

COMMENTS