BALIGUBADLE MEDIA
Sheekadii Dhex Martay Madaxwayne Biixi Iyo Wariyihii Reer Hargeysa.
April 13, 2022 - Written by Ahmed ALI

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Weriyihii Reer Hargeysa

Taxanaha: Madaxweynaheenna Maanta!!. Q:2-Aad. “ Ku Celis iyo dhamaystir”.
……………..
Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxaa taas inoogu xigta qiso kale oo aniga iyo Mujaahidka na dhex martay inyar ka hor Doorashaddii Madaxtinimada 2017-kii, isla wakhtigii garbaha laga yaacayay ee lalahaa “kabaneeya Madaxweynaha dhaartuuni u hadhsan tahay”. Qisaddani oo runtii ludh iyo Xiise wadata Islamarkaanna, aan badka soo dhigi doonno weedho aan markaa u haystay kaftan iyo iska tidhaale oo na dhex maray balse ah Casharo tukube u ah Hogaaminta maanta.
Waa Salaaddii Jimce kadib, waxaanu kasoo wada baxnay Masjidka Garoonka Dhalintan xagga Xafiiska KULMIYE ka xigga, waxaan watay gaadhi NOOHA ah oo caddaan ah, oo aan maalintaas Jimcaha ah kusoo maydhay Kaalinta Gaaffane ee Galbeedka Hargeysa, taasi oo markii aan ka imid aan dirqi Salaadda Jamaca ee Jimcaha aan kaga gaadhay Masjidkaasi oo jidka ku dhawaa.
Odayga iskumaanu cusbayn, dhawr jeer oo hore ayuu xidhiidh na dhex maray. Haddaba Markii Salaadda laga soo baxay ayaa waxa uu ka mid ahaa Mujaahidku, dad socod lugta ah uga soo dhaqaaqay dhinaca Huteel Guulleed oo masaafo dhaw ujira Masjidka. Maan arkayn anigu, oo intii masjidka aan joogay Ishaydu may qaban, niyaddana kumaan haynin, ee anna waxaan gaadhigayga usoo dhaqaajiyay isla Xagga jidka weyn ee Guulleed hor mara aniga oo dhaqaaq joogsanaya, waayo, dadka luggaynaya ee aan Salaadda kasoo wada baxnay ayaa jaam ka dhigay Suqduudka yar ee Gidaarka Garoonka dhalinta, oo waliba laab laabad ah. Waxaan usii jeedda dhinaca Xaafadda ama gurigayga oo dariiqani taggo.
Markaan la simanahay Fooqa Daarasalaam ee kasoo horjeedda Guuleed Huteel, islamarkaana aan damacsanahay inaan jidka weyn ee laamayda ah ku dhaco, ayaa waxa si kadis ah dadkii iga horeeyay kasoo dhex noqday oo xagayga usoo jihaystay nin dheer oo khamiis cad ku labisan, waxa uu si toos ah ugu soo dhaqaaqay wajahadda Gaadhigayga isagoo hadlaya oo leh “istaag waryaa, iga fur daaqadda, dib inoo celi, waxaa mar qudha xagayga soo wada qooraansiyay Garab, hore iyo barbaryaacii oo aan markaa kasii garanayo Cali Cumar Guuleed, Xildhibaan Cabdilaahi Gacmo-dheere iyo rag badan oo kale, kuwaasi oo ay kedis ku noqotay go’aanka deg degga ah ee Madaxweyanaha dhaartu u hadhay dib u celiyay, islamarkaanna ku kaliftay inuu Fuullo Gaadhi aan kiisii ahayn.
Daaqadda ayaan deg deg uga furay, aniga oo leh “haye Madaxweyne, soo kor Madaxweyne”. Markii uu soo koray kursiga hore ee agaadhiga ayaan ku idhi, xaggeen ku geeyaa. Ima garanayo sidaan illaa hadda aaminsanahay, ilaa aan isku sheegay, mar qudha ayuu isha wada mariyay Gudaha gaadhiga balse waxa uu aad u fiiriyay Bakoorad weyn oo labada kursi ee hore dhex taalla, oo markii gaadhiga la maydhayay lagasoo saaray halkii ay lahayd. Gaadhiga Beersool kumay xidhnayn, oo marka horeba waa uu iska arkayay inaanay cidi saarnayn oo aan keligay ahay.
Halkaasi ayay sheekaddu nooga bilaabantay……..
Aan dib ugu yar noqdee, markii uu soo koray Gaadhigayga ee aanu caadi u sal-dhigan ayaa waxa dhinacayaga midig soo istaagay gaadhi Madaw oo Lacruirser ah oo waliba lambar cad oo shacab ka lusho, Mar qudha ayuu dirawalkii gaadhigaasiga daaqadda dejiyay,islamarkaana isagoo kor u qaylinaya uu ku yidhi “Madaxweyne Gaadhigan soo fool, aniga ayaa ku qaadi eh” Madaxweyne Biixi ayaa isaga oo cadho ka muuqato ugu hal celiyay hadal adag oo aan markaa u macnaystay hal adayga lagu xanto, waxa uu ku yidhi “waar soco oo naga tag, saacaaddu waa imisaddii, waar hadhaw ha inoo ahaato adeer, waliba soo seexo oo illaa afarta galabnimo uun ha inoo ahaato”. Ninkaasi waxa la iisheegay inuu ahaa Wasiir ku xigeen, ma aqoonsan markaa anigu, laakiin waa uu qajilay oo waxa uu islahaa wuu ku raaci oo gaadhigan NOOHA-da ah ee qofka shacabka ahi wato wuu kaaga soo degi, kolayna arin ayuu ka lahaa gaar ah balse Madaxweynuhu wuu diidanaa inuu wakhtigaasi la faqo ama uu raacaba, wakhtiguna waa illaa .Kawdii Duhurnimo iyo dheeraad.
Waxa uu usoo jeestay xagaygii, dib ayaan gaadhiga u celiyay iyo dhinaca Xafiiska Kulmiye oo uu iisheegay inuu gaadhigiisii yaalo, islamarkaana dirawalkii hore uu iska badelay. Waxa uu aad u fiiriyay wajigayga, mar kale iyo mar labaad ayuu i salaamay, waxaan ku idhi miyaad igaranaysaa Gudoomiye. Waa uu aamusay, waxaan xidhnaa Macawis iyo garan cas, aad ayaan u qaab darnaa, nin beer soo qoday ayaa la imoodayay, Bakoorad weynina way agtaalaa,Wakhti Kooban kadib waxa uu igu yidhi “waar miyaan ku garanayaa talaw?, waar miyaanad ninkii Foore ahayn?” waan qoslay, waa uu igu celiyay, waan ahay ayaan ku idhi!
Dagaalku halkaasi ayuu nooga bilaamay, waxaan dareenkayga oo dhan wada siiyay oo aan aad u qiimaynayaa qaabka uu iila hadlayo iyo isbadelka ku dhacay markii uu i aqoonsaday. Wakhtigaasi Wargeyska Foore iska dhex dhexaad ayuu ahaa, waayo warbaahinta intooda badani, way kala safnaayeen, oo Kulmiye iyo WADDANI ayay kala raacsanaayeen balse anagu waxaanu isku arkaynay inaanu dhex ka nahay inkasta oo Kulmiye nagu tirin jiray dhinaca mucaaridka.
Waxa uu igu yidhi, maxaad igu caydaa?, way igu adkaatay inaan deg deg uga jawaabo su’aashaasi, waayo meel adag ayuu kasoo qabtay, waxaa uu igu yidhi, haddana maxaad ii mucaariddaa, labadaasi Su’aalood markay iskukay kaadheen, ee maskaxdaydu mashquul gashay, ayaan aayar ugu jawaabay, Gudoomiye kuma caayo, sideen kuu caayay, halkeen kugu caayay. Waxa uu igu yidhi, waan akhristaa Wargeyska, si joogta ah, kii Shalayba waan hayay. Aad ayuu markaa iskaga cadhaysiinayaa, gar iyo gar ayay ka taagan tahay, maxaad usoo qaadatay ayaan niyaddda iska leeyahay. Waayo waxaanan filayn ayaa iga soo baxay iyo gar naqsi. Waxa kale oo uu igu yidhi, waad daggaal xun tihiin, waxba ma xeerisaan.
Halkaas marka uu marayo ee aan aamusay ayaa uu igu yidhi, waan iska kaftamayaa ee bal waran?. Waan fiicanahay ayaan ku idhi, waxa uu iiga sheegayay sheeko gaaban oo aanan jeclayn inaan runtii idinla wadaago, taasi oo uu igu yidhi, kaasina waad amaantaa, anna waad I mucaariddaa.
Markii uu sii degayay ayuu nin farta iigu fiiqay, isagoo leh, kaasi ayaa la mid tahay! intaanu wada dhaadhicin ayaan ku idhi sawir aan kaa qaado, markaasi ayuu igu yidhi, walaahi inaan mobileka kaa jabin, waan cabsaday, oo waan aamusay, waaana maca-salaameeyay. Waxaanu igaga degay Xafiiska Kulmiye Hortiisa.
Waxaan maalintaasi aqoonsaday , odhaahdii ahayd, MUUSE waa nin garnaqsada oo waliba gaadhi dhexdii ayay ahayd, haddii ay guri ama Huteel tahay khasaare ayaa dhici lahaa kkkkkkkk!!!!

Lasoco Qaybta 3-Aad oo aad u xiiso badan. Ramadaan Kareem!!!!

Waxa qoray Weriye Cabdirashiid Sheekh Cabdiwahaab Ibraahin

COMMENTS