BALIGUBADLE MEDIA
Amarka Nuux Baasto Kasoo Baxay Waa Wax Lagu Qoslo” Dhalinyaradda Koonfurta Hargeysa”
March 14, 2022 - Written by Ahmed ALI

Taliyaha ciidanka militariga s.land Nuux taani Ayaa war Uu maanta Soo saaray Ku sheegay in laga guuro xaafadaha Birjeex,laynka Militariga Iyo Xero Ruushta taasoo La yaab Ku noqotay dadwaynaha degan xaafadahaas markii ay maqleen Warkaas

 

Qaar Kamida dhalinyarada Ku nool xaafadahaas Oo lasoo xidhiidhay Baligubadlemedia Ayaa Sheegay in hadalkaa Kasoo Yeedhay Taliye Nuux Baasto Uu yahay wax lagu qoslo

Waxay sheegeen in dhulkan Uu lamid yahay dhulkii shacabka Hargeysa Ee La qaybsaday islamarkaana Aanay Nuux taani Ka yeelayn hadaladda cunfiga iyo cunsuriyadda Ku dhisan Ee Uu Ku badhtilmaameedsanayo dhulka Hargeysa Kaga Soo hagaagay beeshan hadhaagii faqashta Ee markii Dalka lasoo galay La qabsaday hadii kalena dhamaan gacanta Dawladda lagu Soo celiyo dhulkii hadhaaga faqashta Ee reer Hargeysa qaybsadeen Balse Aanay aqbalayn in beeshan si gaara loo badhtilmaamedsado cidkasta Oo Arintaas Ku riyoonaysana ay tahay mid Maalin cad riyoonaysa.

Magacyadda Dhalinyaradda Qortay Bayaanka

Barkhad xasan raage

Cabdi ladiif Maxamed yaasiin

Cabdiraxmaan Jaamac Cali

Maxamed Maxamuud Yuusuf

Yaasiin xasan maxamed

Cawaale maxamed salaax

Khadar xasan Jaamac

Maxamed Aadan Muuse

Cabdiraxmaan muuse xuseen

Cadnaan xasan haybe

Aadan yonis Cawaale

Khadar maxamed daraad

Haybe aadan cige

Mustafe Cabdiraxmaan xasan

Jimcaale Cabdiraxmaan Cabdulle

 

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS