Duqa Caasimadda Oo Sheegay Inay Mushaharkii U Kordhiyeen Shaqaalaha Dawladda Hoose
February 19, 2022 - Written by Ahmed ALI
Nuxurka Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee Duqa Hargeysa Cabdikariin Axmed Moòge uu Xafladda Abaalmarinta ee Caawa ku soo Bandhigay
Duqa Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge oo ugu horayn waxa uu ku dhawaaqay in Shaqaalaha Dowladda hoose guud ahaan mushahaarkoodii loo kordhiyey Sannadkani 2022ka waxaanu yidhi “Shaqaalaha Dowlada hoose ee Hargeysa waxay kor u dhaafayaan 2’000 (Laba kun) oo shaqaale , waxaanu halkan kaga dhawaaqayna in Guud ahaan shaqaalahaasi Mushaharaadkooda ay Dowladda Hoose ka qaataan aanu u kordhinay 30%..”
Mayor Cabdikariin waxa uu sido kale ku dhawaaqay Tirada Shaqaalahooda Abaalmarin iyo Qadar Lacag ah la gudoonsiin doono “Waxaanse caawa aanu Abaal-marin doonaa Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Hargeysa 100 qof in ka badan oo ka mida isla markaana qofkiiba 100 kaasi Xubnood uu halkan kala tagi doono $200 Dollar (Laba Boqol oo doolar)..”
Waxa uu sido kale soo bandhigay Qorshaha 5ta Sanno ee Waxqabadka Dowladda hoose iyo Lacagta ay filayaan inay mudaasi ku hawlgeli doonaan waxaanu yidhi “Qorshaha Odoroska Miisaaniyadda Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa ee Sannadkan 2022-ku waa Lacag $20’000’000 Milyan Dollar (Labaatan Milyan Oo Dollar) Taasi oo Cashuurta Shacabka reer Hargeysa ee Dowladda Hoose ay ka qaado Mashaariicda Horumarkooda aanu ugu Adeegi doonana inay noqon doonto aanu filayno’ Sido kale Qorshaha 5ta Sanno ee Dowladda Hoose inoo Bilowday aanu Dowlad hoose ahaan u Dejinay Waxa ku Bixi Doonta Aduun Dhan $250’000’000 Million Dollar (Laba Boqol Iyo Kontan Milyan oo Doolar) iyada oo Sannadkiiba Aduun Lacageed oo $50’000’000 Million Dollar (Kontan Milyan oo Doolar) dhan aanu rajaynayno Inay noqon doonto Lacagta horumarka Caasimadda aanu kaga shaqayn doono..” Ayuu yidhi Duqa Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa Abdikarim Ahmed Mooge
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS