BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland Xaalad Noocee ah Ayay Ku jirtaa “Faallo”
November 13, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Political stagnation” waa xaaladda ay Somaliland hadda ku jirto, dhinac Siyaasadeed iyo dhaqaale ba.

Xaaladda caynkana oo ah fadhiidnimo siyaasadeed waxa ugu wayn ee keena waa fashil dhinaca hogaanka ah, fashilkaasi na waxa uu ka muuqdaa dhammaan haayaadka dawliga ah, iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxa iska yar rejada ay dadku ka qabaan mustaqbalka, is aaminaad la’aanta bulshada iyo in aanay jirin wax guud oo ugu yaraan laga midaynsan yahay in la xeeriyo. Waa sababta loo arkayo qof ama koox wax uu cid ku diidan yahay hadda na ku taageersan isla cid kale, metalan musuqmaasuqa.

Xaaladda caynkaas ah markii ay dalalku galaan waxa xal u noqda in la sameeyo dib u habayn sal iyo baar ah , la abuuro ahaansho qaraameed si loo soo celiyo kalsoonida dadwaynaha.

Haddii taas lagu fashilmo waxa xiga in ay dhacaan kacdoono , faragelin shisheeye ama qalalaase kale oo keensada in dalkaasi dumo. innaga xalka inoogu dhow si looga baxo fadhiidnimada siyaasadeed dawladnimadu na u karaar qaadato mar kale waa in la furo ururada siyaasadda, iyadoo laga baaqsanayo khaladaad la mid ah waxa fashiliyay kuwa hadda.

Xigasho: Cabdiraxmaan Axmed Warsame

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS