Guddoomiye Cirro oo Ka Hadlay Wadahadalada uu Xisbiga WADDANI Kula Jiro Siyaasiyiinta Uu Horkacayo Maxamuud Xaashi.
November 1, 2021 - Written by Ahmed ALI
Guddoomiye Cirro oo ka hadlayey wadahadalada uu xisbiga WADDANI kula jiro siyaasiyiSalalaahu Calayhi wasalam inta uu horkacayo Maxamuud Xaashi.
Gudoomiye Cirro oo ka hadlayey wadahadalada uu xisbiga WADDANI kula jiro siyaasiyiinta uu horkacayo XAASHI ayaa yidhi:
“Waxyaabo badan ayaa jiray, oo ay ka mid yihiin wadahadalo xisbigu kula jiray siyaasiyiin uu hogaaminayay Maxamuud Xaashi Cabdi oo sida aad ka warqabtaan wadatashi ayay labada dhinacba ku maqan yihiin, waxaanan filayaa in ay iska soo gabagaboobmi doonaan insha,alaah wada-tashigaasi”.
Sidoo kale Gudoomiye Ciro oo ka hadlaya loolanka loogu jiro hanashada gudoomiyaha xisbiga ayaa yidhi “Waxaan ku dhiiraday in aniga oo aan wali madaxwayne noqon aan idhaahdo kursiga gudoomiyaha waa lagu tartamayaa, waxa aanay taasi muujinaysaa in xisbiga aanu qof lahayn.”
Ugu danbayn Cirro ayaa u mahadceliyey siyaasi Cabdiqaadir Jirde “Raga xisbiga ku jira qofkii ugu mudnaa wuxuu ahaa Cabdiqaadir Jirde, waa nin qaran oo gartay in uu u tunaasulo dhalinyarada kale ee Xisbiga.”
Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad casho sharaf ah oo uu caawa xisbiga WADDANI ku casuumay qaar kamida qurbajooga taageera xisbiga.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS