BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Waddani Oo Wada Tashi Iskula Noqday, Maxamuud Xaashi Oo Ka War-Sugaya, Kulanka Berri Loo Ballansan Yahay Natiijadiisa Loo Dheg Taagayo Iyo Wararkii U Dambeeyey
October 23, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xisbiga Waddani Oo Wada Tashi Iskula Noqday, Maxamuud Xaashi Oo Ka War-Sugaya, Kulanka Berri Loo Ballansan Yahay Natiijadiisa Loo Dheg Taagayo Iyo Wararkii U Dambeeyey.

Wada hadallada u socda Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Siyaasiyiinta uu horkacayo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaan weli laga gaadhin natiijo la taaban karo oo lagu heshiiyey, inkasta oo ay weli socdaan wada xaajoodyadu meel xasaasi ahna marayaan.

Hadalladan oo soo socday muddo toddobaadyo ah, ayaa waxa labada dhinac kulmeen muddo saddex jeer ah oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan qaabka ay u wada shaqaynayaan iyo gorgortan la xidhiidha waxyaabaha ay is dhaafsanayaan.

 

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wada hadallada Xisbiga Waddani iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi, iyada oo xogta la xidhiidha kulamadan iyo qodobada lagaga wada hadlayo aad loo adkeeyey, hase yeeshee warar uu helay Wargeyska Saxansaxo, ayaa tibaaxay in wada hadallada oo kulankii u dambeeyey oo dhacay maalintii khamiistii uu ahaa mid jewi degan ku qabsoomay oo dhinacyadu yeesheen dood iyo gorgortan xasaasi ah oo salka ku haya in loo daadego qodobada masiiriga ah ee ay labada dhinac ku heshiin karayaan.

Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Masuuliyiinta Xisbiga Waddani uga qayb galayey Wada hadallada oo uu hormuud u yahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ay codsadeen in muddo laba cisho ah la siiyo, si ay wada tashi ugu noqdaan xisbi ahaan, isla markaana maalinta axadda ay ugu soo celiyaan war dhinaca Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi, isla markaana ay u caddeeyaan qodobada ay ku wada heshiin karaan ee Xisbi ahaan miiska u saaran garabka Siyaasi Xaashi.

 

Sidoo kale, kulankan loo ballansan yahay axadda, ayaa la filayaa inuu noqdo kulanka ugu xasaasisan ee ay labada dhinac u ballansan yihiin, maadaama oo lagaga wada hadlayo waxyaabaha ay isdhaafsanayaan labada dhinac, si Siyaasiyiinta Kulmiye ka biyo diidsan ee uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi rasmi ahaan ugu biiraan Xisbiga Waddani.

 

Xisbiga Waddani, ayaa isagu ah Xisbi ay Siyaasiyiinta wada hadalka kula jiraa ay ka sugayaan inuu u soo bandhigo, qorshe ay ugu biiri karaan, iyada oo Xisbigaas laftiisana ay ka jiraan caqabado ay ka mid tahay jagooyinka ugu muhiimsan ee lagu gorgortami karo oo siyaasiyiin damac leh ay doonayaan in ay adkaystaan oo aanay ka mid noqon waxyaabaha lagu gorgortamayo.

Dhinaca kalena, Xisbiga Waddani, ayaa kulamo si daba joog ah oo gaar gaar ah ku yeelanayey Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay kaga arrinsanayeen qodobada ay kula noqon karaan Garabka Siyaasiyiinta uu hoggaaminayo Maxamuud Xaashi Cabdi.

Kulamadan oo labadii habeen ee u dambeeyey ka socday Hargeysa, ayaa waxa uu u dhexeeyey masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo uu hormood yahay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Ganacsato iyo waxgaradka beeshiisa, waxaanay isla gorfeynayeen sida ay u waajihi karaan qorsheyeyaasha ay isku waafajinayaan soo xero gelinta siyaasiyiinta wada hadalka kula jira iyo fursadaha ka bannaan Xisbiga Waddani.

Si kastaba ha ahaatee, Maalinta Axadda ah ee berri, ayaa loo dheg taagayaa waxyaabaha ka soo baxa kulanka ay labada dhinac u ballansan yihiin, kulankaas oo noqon kara kii u dambeeyey ee lagu soo geba gebaynayo wada hadallada toddobaadyada u soo socday Xisbiga Waddani iyo Siyaasiyiinta uu horkacayo Maxamuud Xaashi, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu kulan berri baaqan karo sabab la xidhiidha rog-rogida duruufaha taagan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS