Xildhibaan Batuun Oo Amaanay Doorashooyinkii Somaliland
October 26, 2021 - Written by Ahmed ALI
Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa yidhi,
“Doorashooyinka Somaliland, waxa ay dunida tuseen in ay yihiin kuwa hab dimuquraadiyad ah ku dhaca; halbeegooduna yahay ilbaxnimo bulsho, tartan xor ah, isqancin, isku tanaasul, cunfi iyo cadho la’aan, oo horseed u noqda nabadgalyo iyo wadajir ummaddeed. Waxa ay yihiin kuwa laga qaadan karo casharro badan, iyo cibaarooyin mahadhooyin mar la arag ah reebay!

Waan boggaadinaya in shamacii doorashada ee Somaliland ka shidday Geeska Africa uu noqday mid Geeska iftiimayay oo dalal badanna ay ku daydeen. Waa Guul ay leedahay Somaliland.
Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobbiya iyo Maamulgoboleedka Puntland ba waxa ay cashar ka qaateen hannaanka doorashooyinka Somaliland ee qaabka quruxda badan u soo socday muddo 20 sanno ah. Guulaha doorashooyin ee Somaliland kuma eekaan doonaan dalalka jaarkeenna ah, balse waxa ay gaadhi doonaan dunida oo dhan..”
Faysal cali Waraabe

Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS