BALIGUBADLE MEDIA
“Waxaan Ugu Baaqayaa Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Inay U Diyaar Garoobaan Doorashada.” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani”
October 23, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyey bayaan ka soo baxay dalalka Beesha caalamka ee taageera Somaliland, kuwaas oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay Somaliland ka taageeraan doorashada madaxtooyada ee sannadka dambe.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen, ayaa ugu baaqay taageerayaasha Waddani in ay u diyaar garoobaan doorashada soo socota ee 2022-ka

“Waxaan soo dhawaynaynaa qoraalka ay soo saareen saxiibada Somaliland ee beesha Caalamku. Waxaanu cadaynaynaa sida qoraalkaba lagu sheegay xisbi ahaan inaanu diyaar u nahay doorashada madaxtooyada ee 2022. Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xibiga WADDANI inay u diyaar garoobaan doorashada.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS