BALIGUBADLE MEDIA
Wasaaradda Gaashaan Dhiga Maxaa U Diiday Agaasime Guud ?
October 3, 2021 - Written by Ahmed ALI

Agaasimihii Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Xilkii ku Wareejiyey Agaasime Waaxeed hore sannad iyo toddoba bilood ku-sime ka ahaa Wasaaraddaasi

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, Mubaarik Cabdillaahi, oo dhawaan xilka uu ka qaaday Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa maanta ku wareejiyey Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaraddaasi, oo ku-sime ka ahaan xilkaasi u sii hayn doonta inta Jagada Agaasimaha Guud la soo buuxinayo.

Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Aniisa Xuseen, ahna Agaasime Waaxeedka Abaabul ka saarka ee Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa hore sannad iyo toddoba bilood xilka Agaaimaha Guud ee Wasaaraddaasi si ku meel gaadh ah u haysay, ka dib markii Agaasimihii Wasaaraddaasi Jamaal Cabdillaahi Muxumed Xilka laga qaaday 30.03. 2019, iyada oo Agaasimaha Maanta xilka wareejiyeyna uu xilka la wareegay bishii Novermber 2020-kii.

Madaxweyne Biixi, oo 25 bishii hore xilka ka qaaday Agaasime Mubaarik Daljir, ayaan soo magacaabin beddelkiisii, iyada oo Wasaaraddaasi ku biiray dhawr xil oo muddo ka bannaan Hay’addaha Wasaaradda, oo ay ugu horreyso Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo uu bannaan yahay Xilka Agaasimaha Guud, ka dib markii dhawaan Agaasimihii Wasaaraddaasi loo magacaabay Wasiir kuxigeenka Biyaha.

Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS