BALIGUBADLE MEDIA
Tobobar Ku Saabsan Saamaynta Xogaha Iyo Warbaahinta.
October 29, 2021 - Written by Ahmed ALI

TABOBAR KU SAABSAN SAAMAYNTA XOGAHA IYO WARBAAHINTA

Banni-aadamku inta uu nool yahay kama maarmo waxbarasho iyo aqoon-korodhsi. Arrintaas waxa sii xoojiyay isbedbedalka joogta ah ee tiknoojaligu ku keenay waxbarashada iyo aqoonta, taas oo saamayn ku yeelatay hab-nololeedka dadka. Tabobarada koobkooban waxa ay ka mid yihiin tallaabooyinka casriga ah ee kor loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha qofka.

Annaga oo taas ka duulayna waxa aannu shalay bilawnay tababar iyo aqoon-is-waydaarsi ibofur u noqon doonaa tababaro xidhiidh ah oo kor loogu qaadayo OGAALKA ama xogta AQOONTA ama waxa afka qalaad loogu yeedho ‘Information and Media literacy’.
Maadaama oo warbaahinta gaar ahaan social media-hu uu saamayn ballaadhan ku yeeshay adduunka, hay’adda UNESCO oo kaashanaysa hay’adaha kale ee ka shaqeeya barnaamijyadan waxa ay 2012 bilaabeen xuska todobaadka Media and information literacy (Global Media and Information Literacy Week. Nasiib-wanaag tababarkan ay Wadaag Communicaions consultancy qabanayso waxa uu ku soo beegmay usbuuca adduunka oo dhan laga xusayo oo ku ahayd 24 -31 October, 2021.

Waxa aannu u mahadcelinaynaa agaasimaha Wasaaradda Warfaahinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, Maxamed Yusuf oo si rasmi ah u furay iyo agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska oo kafaalo qaaday qaybta ugu badan kharashaadka labada cisho ee tababarku socdo.

Wadaag Communications Consultancy

COMMENTS