BALIGUBADLE MEDIA
Muuse Biixi Oo Isku Beddel Iyo Xil Ka Qaadis Qarsoodi ah Sameeyay
October 7, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandheyn ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’addaha dawladda qaarkood.

Isku shaandheyntan oo aan warbaahinta loo ogolaan in ay shaaciso, balse digreetooyinka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la sheegay in toos loo gaadhsiiyey xubnaha la magacaabay iyo kuwa la eryey.
Haddaba, xog Wargeyska Saxansaxo helay, ayaa sheegayaa in Xubno toban gaadhaya oo Agaasimeyaal guud ah in ay xilalkooda waayeen.

Xubnaha Agaasimeyaasha Guud ah ee xilalkooda waayey, waxa ka mid ah:

1- Jamaal Cabdi Muuse, Agaasimihii Wasaaradda Hawlaha Guud
2- Maxamed Deeq, Agaasimihii Guud ee Komishanka Maamul Wanaagga.
3- Maareeyihii Haamaha Shidaalka Xasan Embesi
4- Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga
5- Agaasimihii Guud Wasaaradda Caddaaladda
6- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Biyaha
7- Agaasimihii Guud ee Beeraha
8- Agaasimihii Guud Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha
9- Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Deegaanka
10. Agaasimihi Guud ee Komishanka AIDS-KA

Xubnaha la magacaabay iyo kuwa la isku beddelay

1- Maxamed Somali, oo loo magacaabay Wasaaradda Maalgashiga, halka Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi loo beddelay Agaasimaha Komishanka Maamul Wanaagga.
2. Cabdillaahi Jiidhe oo ahaa Xildhibaan dhacay oo Kulmiye Sool uga tartamayey ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud.
3. Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo beddelay inuu noqdo Guddoomiye kuxigeenka Baanka oo bannaanaa, halka Agaasime cusub loo magacaabay Wasaaradda Caddaaladda.
4- Agaasimihii Guud ee Qorsheynta ayaa loo beddelay Komishanka AIDS-ka, halka Agaasime guud oo cusub loo magacaabay Wasaaradda qorsheynt?
5- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, ayaa loo magacaabay Xamse Xaamud Guleed oo ah qurbo jooga.
6. Agaasimaha Guud eeWasaaradda Arrimaha Guddaha ee dhinaca Amniga ah, ayaa loo magacaabay Ibraahim Cali.
7. Cabdirashiid Yaasiin Caydiid ayaa loo magacaabay Agaasimaha Wasaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
8- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha ayaa loo magacaabay Cabdi Faarax

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS