Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Oo Hadalo Is Waydaarsaday.
October 1, 2021 - Written by Ahmed ALI
Maxamuud Xaashi Iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan Oo Hadalo iswaydaarsaday

Xirsi Xaaji Xasan
“Waxaan aad iyo aad ugu hanbalyaynayaa inay Siyaasadda iska xakameeyeen oo dhaheen Nin waloba koonahaaga ka darso oo nin waloba waa kuu fasax Saaxiibkay Xasana waxaan leeyahay waxaan mar labaad sidii uu sheegay leeyhay kolay anigu halkan waan iman jiroo anigoo Waddo sidana waan iman jiray anigoo Biyo sidana waan iman jiray anigoo wax kale sidana waan iman jiray laakiin wali maan iman aniga oo cod doonaya isha allaahu tacalaa kalsooni baan ku qabaa oo kal iyo lab ah ayaan ku qaba inaan wadaantayda ka buuxsanayo hadii Allaha Awooda lihi ogolaado wer-werna kama qabo kalsooni waynbaanan ku qabaa marka markeeda la gaadho isha allaahu tacaalaa”sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Waddani.
——————————–
Maxamuud Xaashi
“Inaadeerkay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkan hadallado Ayuu ka yidhi, oo waxa uu yidhi halkan waadaan wayn ayaanu ka darsan doonaa gobolka Sanaag codadkiisa, waxaan leeyahay codadka Sanaag oo kaliya iskuma hayno, waxa aynu isku haynaa, Sanaag, Togdheer, Sool, Awdal iyo gobollada dalka oo dhan ayaa xisbiyadu isku hayaan oo ninkii wadaan weyn ka darsanaya iyo ninkii mid jeex ah ka daranayaba fardo laysku hayo maxaa layska faanin ayaan leeyahay.” Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS