BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay taageeradda Beeshiisu U Hayso Xisbiga Kulmiye.
October 15, 2021 - Written by Ahmed ALI

Wasiirka arrimaha guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay in deegaanka uu ka soo jeedaa ay taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye.

Wasiir Maxamed Kaahin oo u waraysi siiyey Weriye Hassan Gallaydh oo ka tirsan Horn Cable TV, ayaa mar la weydiiyey in afartii sanno ee Madaxweyne Muuse Biixi xilka hayey in aanay isku wacanayn deegaannada uu Kaahin ahaan ka soo jeedo iyo Kulmiye iyo Xukuumadda Biixi,waxa uu ku jawaabay ” Arrintaasi maaha mid aan anigu aamisanahay, mid dad badan oo KULMIYE, ka tirsan aamisan yihiina maaha. Reerka aan anigu ka soo jeedaa waa dadkii aasaasay KULMIYE, sidii ayeyna uga mid yihiin KULMIYE. Shakhsiyaad haddii ay ku geli waayeen KULMIYE, amma damac ay leeyihiin ka waayeena, xoq-xoqashadoodu ma saameyn karayso deegaanka aynu ka hadlayno. Deegaankaasi sidii uu KULMIYE ahaa ayuu u yahay. Shakhsiyaadka ka tagaana may ahayn shakhsiyaad dadka deegaanku jeebka ugu jireen maaha, mana noqonayaan, Nin walbana ciddii ka raacda waa la arkayaa. Laakiin deegaankaasi waa KULMIYE, horena aqlabiyad ayuu ku lahaa maanta wuu ku leeyahay.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS