BALIGUBADLE MEDIA
Masuul Maxamed Kaahin Xilka Ka Qaaday Oo Muuse Biixi Magacaabay.
October 23, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay masuul uu dhawaan xil uu hayey uu ka qaaday Wasiirka arrimaha Guddaha Maxamed Kaahin Axmed.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka u magacaabay Cabdikariim Aadan Cadde, oo ahaa Xoghayihii fulinta ee Dawladda hoose ee Hargeysa, ee dhawaan xilka laga qaaday.

Inkasta oo aan rasmi ahaan loo shaacin digreetada lagu magacaabay Agaasimahan cusub, haddana dad ka ag dhow ninkan, ayaa xaqiijiyey in warqadiisa magacaabista loo dhiibay.

Masuulkan ayaa buuxin doona xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo uu dhawaan ka cudur daartay Masuul Madaxweynuhu u magacaabay.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS