BALIGUBADLE MEDIA
Mashruucii Biyo Balaadhinta Hargeysi Halkuu Marayaa ?
October 3, 2021 - Written by Ahmed ALI

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Darood, ayaa sheegay inuu meel gebogebo ah marayo mashruuca ay dawladda Jarmalku ka taageerayso Somaliland la xidhiidhay adeego biyo gelinta, Fayo dhawrka caasimadda iyo joog-teynta maamulka dhulka.
Maareeye Darood oo ka hadlayey kulan dhex maray Wefti ka socday Bangiga Horumarinta Germany ee KFW, ayaa yidhi “Waxa kulamo noo socdeen maalmihii u dambeeyay wefti ka socday Bangiga Horumarinta Germany ee KFW. Mashruuca Dawladda Germany ka taageerto Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laba qeybood oo waaweyn ah: Adeega Biyogalinta iyo Faya-dhawrka Caasimadda iyo Mashruuca Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waddo ee joogtaynta maamulka dhulka.

Mashruucan qeybihiisa Biyaha iyo joogtaynta maamulka dhulka ayaa ku dhaw maraaxil gebogebo ah, halka Dhismaha warshadda lagu maamuli doono khashinka qoyan ee magaaladu hadda bilaabantay. Waxa mashruucan iska kaashada Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Wakaaladda Biyaha Hargeysa.

Waxa weftigan hogaaminayay Madaxa KFW ee Geeska Africa Florian Rabe, waxaana qeyb ka ahaa madaxa Mashruuca ee KFW iyo khabiirka dhinaca farsamada mashruuca ee KFW.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS