BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Iyo Qodobo Saaxadda Siyaasadda Wax Ka Badali Kara Oo Laga Filan Karo
October 26, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweyne Muuse Biixi, hawlo badan oo beddeli kara jihada siyaasadda Somaliland ayaa horyaala, oo qaarkoodna miiska u saaran yihiin.

Muxuu samayn karaa Madaxweynuhu sannadka u dambeeya muddo xileedkiisa, ee la sadaalin karaa?

■Inuu muddo kordhin samaysto
■Inuu Xisbiga Kulmiye Wareejiyo
■Inuu xataa Murrashaxnimada ka tanaasulo, muddo kordhinta ka dib.
■In doorashada wakhtigeeda ku qabto
■Inuu ka shaqeeyo Furista Ururrada Siyaasadda oo imika dib ugu soo celiyey Golaha Wakiillada, isaga oo codsaday in ay qodobo ka beddelaan
■ Qodobkan u dambeeya waa mid saameyntiisa la oo uu u heli karo taageero wakhtigan, waayo waxa jira dad badan oo arrintan danaynaya, iyada oo Golaha Wakiillada laftiisa taageero ka heli kara, iyada oo ay jiraan Xildhibaanno saddexda Xisbi ka tirsanba ay taageeri karaan.

Qodobadani waxa ay u badan yihiin kuwo dhici kara oo hawshoodu bilaabmi karo ka dib shirweyneyaasha Xisbiyada Mucaaradka ilaa sannadka cusub ee 2022-ka.

Adigu qodob kee ayaad is leedahay wuu ku dhaqaaqi karaa Madaxweyne Biixi

COMMENTS