BALIGUBADLE MEDIA
ICJ Oo Xukun Kasoo Saartay Kiiskii Badda Somaliya
October 12, 2021 - Written by Ahmed ALI

Go’aanka Maxkamadda ee Kiiska badda oo la shaaciyey iyada oo lagu dhawaaqay in Soomaaliya ay ku guuleysatay balse ay kenya heleyso wax aan badnayn.

Qodobada go’aanka ICJ:

1. Waxa ay qaadatay qaabka xadaynta in lagu xadeeyo xuduud badeedka oo ah in la raaco equidistant line. Waxa ay markaas tix-galisay in ay jiraan duruufo qasbaya in xariiqa la faragaliyo “adjustment line”. Taas oo ka dhigan in wax aan badnayn ay Kenya helayso.

2. Waxay go’aamisay in cabbirka xadaynta laga bilaabo BB 29.

3. Sidoo kale waxay go’aamisay in aysan jirin wax xadayn hore ah oo Kenya & Soomaaliya u dhaxeeyey.

Saddex Garsoore ayaa diiday, waxaa ayidey 12 Garsoore.

.
Xigasho . BBC

COMMENTS