BALIGUBADLE MEDIA
Cali Kubad Oo U Duur Xulay Cabdiraxmaan Cirro
October 25, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Siyaasada Somaliland waxaynu arki jirney reer reer kale oo degaan ahaan ka fog iska caashaqay oo ku odhanaya deriskayagu waa uf, laakiin nin siyaasiyin nin kale iska caashaqay oo innagu leh xitaa hadaan dhacayo mar kale hebel baan iska wadanayaa waa inoo kow”.Siyaasiga Cali Kubad ayaa sidaa soo qoray.

Siyaasada Somaliland waxaynu arki jirney reer reer kale oo degaan ahaan ka fog iska caashaqay oo ku odhanaya deriskayagu waa uf, laakiin nin siyaasiyin nin kale iska caashaqay oo innagu leh xitaa hadaan dhacayo mar kale hebel baan iska wadanayaa waa inoo kow.

Haday caynkaas tahay, annaguna waa inaanu xaabada dabka ku sii badinaa waxii la cadaabi karo si fiican haloo sii cadaabee.
Qabyaaladu waa cajiib oo waa dareere(fluid) aan meel qudha joogsan. Odaygii Dhahar baa faras uu lahaa waxa ka damaaciyey Suldaankiisii Moxamuud Cali Shire, markaas buu faraskii meel fog geeyey Dhahar, muddo yar kadib buu Mohamed Cabdile Xasan oo ciidankiisii daraawiisheed adeegsanayaa yidhi faraskaas Dhahar leeyahay ha la iisoo qabto, dabadeed Dhahar baa arrinkii maqlay. Markuu arkay in labada dhinacba laga joogo ayuu go’aansaday inuu faraskii siiyo suldaankiisa. Dhahar baa lagu yidhi maxaad sidaas u samaysay, dabadeed waxuu yidhi saw gabadhay ma guur beesheen haddii faraskaygii aan u diidey suldaankayga, oo uu Ina Cabdile xasan xoog igaga kaxaysto. Hadaba dadku waa dadkii uun, dagaaga weligaa ha tirinin inta aanay hashin ka hor saaxiib (Don’t count your chickens before they are hatched). Oo hadda khamaarkana waanu naqaanaa, dadka khamaarana waanu jecel nahay (it is the last roll of the dice). Caqli iyo is xidxodosho waa tiir ka mid ah tiirarka siyaasada, laakiin hebel baan khasab ku wadanayaa, xaafaduna cod khasab ha iigu siiso ilayn Dijaal bay ka soo xanaaqeene ma soconayso. Waar xaafadeeheenu dee wax isuma yeedhiyaan, ee sidi sididaada mooyee dhul u dhacaaga iska hubso inaadeer.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS