BALIGUBADLE MEDIA
Cabdiraxmaan Cirro Oo Eedaymo U Jeediyay Wasiirka Waxbarashada
October 18, 2021 - Written by Ahmed ALI

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sidii xukumaddu ula dhaqantay ardayda dugsiga Faarax Oomaar oo cabasho muujisay.

“Dhacdadii ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar, Sabtidii 16ka October 2021 oo Xarunta guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Madaxtooyadaba u jirta wax ka yar kun tallaabo, waxa ay muujinaysaa siyaasad xummada lagu hagayo Waxbarashada dalka. Waa tusaale cad, oo horyaalla bulshada, oo bidhaaminaya karti darrada iyo maarayn xummada falcelimaha ka yimaadda go’aan cabasho ka timi arday oo ku sinnaa maamule dugsi oo la beddelay, xalka qudha ee lagu furdaamiyeyna uu ahaa xadhig, xabad, jujuub iyo addeegsi ciidan.

In arday ka badan boqol la xidho waa ayaan darro weyn oo muujinaysa lexo-jeclo la’aanta jiilashii mustaqbalka. Waxa aan leeyahay Inta xidhan xorriyadooda dhakhso ha loogu soo celiyo,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo dhacdadan qoraal ka soo saaray

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS