BALIGUBADLE MEDIA
Buuni Oo U Jawaabay Gudoomiye Cirro
October 18, 2021 - Written by Ahmed ALI

Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga Waddani kaga hadlay Ardaydii sare Dugsiga Faarax Oomaar ee dhawaan la xidhay.

Af-hayeen Buuni, ayaa ku tilmaamay dhacdadaasi mid maamul oo iska dhaca, isaga oo dhinaca kalena tibaaxay in tallaabi laga qaadayo cid kasta oo faraha ku qaadata sharciga, oo rabshada samaysa.
Af-hayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, waxa uu hadalka Guddoomiye Cirro ku tilmaamay mid ka soo yeedhay nin hurdo ka soo toosay oo imika soo baraarugay, waxaanu yidhi: “Waxaan u sheegayaa Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo saaka soo baraarugay, oo dhacdadaasi maalinta hore dhacday la dhigaya mid saaka dhacday, waxaan leeyahay waad hurdaaye ka toos hurdada, oo la qabso waddanka waxa ka dhacaya, oo waddanka wax ka socda xogogaal u noqo.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS