BALIGUBADLE MEDIA
Agaasime Geeriyooday Isagoo Salaad Ku jira.
October 20, 2021 - Written by Ahmed ALI

Alle Ha U Naxariistee Agaasimihii Komishanka Doorashooyinka U qaabilsanaa Diiwaan gelinta codbixiyeyaasha Oo Geeriyooday Isaga oo Salaad ku Jira Caawa Masaajidka Mansoor ee Magaalada Hargeysa.

Alle ha u naxariistee, waxa caawa Salaadii Maqrib ku geeriyooday Masaajid ku dhex yaala Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa Marxuum Ibraahim Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgam), oo ahaa Agaasimihii Guddida doorashooyinka u qaabilsanaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha.

Komishanka doorashooyin ee uu marxuumku la shaqayn jiray ayaa ka warramay taariikhdii Marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay geeddi socodkii doorashooyinka dalka, waxaanay qoraal ay soo saareen ku yidhaahdeen sidan. “Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL(Guddomiyaha, Guddomiye ku Xigeenka, Xubnaha Komishaneerada, Agaasimaha Guud, Dhamaan shaqaalaha KDQ iyo Xubnihii Komishanadii kala duwanaa ee soo maray KDQ) waxa ay tacsi tiiraanya leh u dirayaan Qoyskii, Eheladii iyo Qaranka JSL Marxuum Xaji Ibraahim Xaaji Abdilaahi Diiriye (Gamgam) oo ahaa Agaasimaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qaranka JSL oo maanta salaadii makhrib isagoo guddanaaya ku geeriyooday Misaajidka Hotel Maansoor.
Marxuum Ibraahim waxa uu ka shaqaynaayey 20kii sano ee u danbeeyey Doorashooyinkii kala dambeeyey ee ka qabsoomay JSL waxaanu ku suntanaa Hanaanka Dimuquraadiyada ee ka hirgelay dalkeena JSL

Marxum. Ibrahim waxa uu waxabarashadiisii hoose dhexe ku soo dhamaystay Schoolka Sheekh, Dugsigiisii sarana waxa uu ku qaatay Dugsiga Sare ee Camuud (1960) halka uu Waxbarashadiisii Heer jamacadeed (First Degree iyo Second Degree) waxa uu ku qaatay Manchester University (UK) BA iyo MA(Economy)

Waxa uu xilal duplamasiyeed oo kala duwan ka soo qabtay Dowladii Somalia oo uu shaqadiisii u dambaysay ahaa Qunsulka Washiton u fadhiya Somalia(1985) . Intaa waxii ka dambaysa Waxa uu ahaa UN International Staff oo uu 22 Dal oo kala duwan uga soo shaqeeyey isagoo xafiiska UN Economic Commission
Marxuumku waxa uu ahaa Aqoonyahankii qurbaha uga yimid Shirkii lagu go’aansanaayey dib ula soo noqoshada JSL 18 May 1991 ee ka qabsoomay Burco
Marxuumku waxa uu ka tagay 2 caruura oo uu dhalay, Xaas iyo 7 caruura oo uu awow u yahay.
Marxuumku waxa kale oo uu ahaa Ehludiin ku sifoobay sunihii Nabigeena SCW iyo dhaqankeena suuban
Illaahayna waxaan uga rajaynaynaa in uu Janada ka waraabiyo su’ashana u dhib yareeyo.
Aamin Aamin

COMMENTS