BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Oo Tabtay Maayaradda Kulmiye Ee Magaalooyinka Waawayn Ee Dalka
September 26, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xukuumadda Kulmiye durba waxa ay dareentay muhiimadii ay lahaayeen in ay hesho Hoggaanka Goleyaasha Deegaanka dalka, waayo shaqooyin badan oo ay qaban jireen oo ay ka mid tahay abaabulka soo dhaweynaha Madaxweynaha iyo qaabilaada kharashaadka ku baxa hawlahaasi, ayaa ku soo bannaanaaday imika magaalooyinka qaarkood.

Tusaale ahaan safar la filayo inuu Madaxweynuhu ugu baxo Bariga, Wasiirrada Xukuumadda ee ka soo jeeda Bariga oo uu u horreeyaan Kaahin iyo Sulub, ayaa iyaga oo Hargeysa jooga ka shaqaynayey hawlahaasi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS