BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda oo soo noolaysay Ciyaarihii horyaallada Heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad Iyo horyaalka Champions oo la qabanayo
September 24, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xukuumadda oo soo noolaysay Ciyaarihii horyaallada Heerka 1-aad, 2-aad iyo 3-aad Iyo horyaalka Champions oo la qabanayo.

Wasaaradda Ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda cagta ee Somaliland, ayaa ku guuleystay in markii u horreysay in muddo ah in ay qabtaan ciyaaraha kubadda cagta ee heerarka koowaad, labaad iyo saddexaad, kuwaas oo koobabkii la dhigay lagu kala guuleystay, iyada oo toddobaadkan la soo geba gebayn doono horyaalka.

Horyaalladan oo iyaga oo kulamo hadhsan yihiin qaarkood lagu kala guuleystay, ayaa waxa horyaalka heerkooda ku guuleystay Kooxda Ciidanka Booliska ee Goodir, halka heerka labaadna ay ku guuleystay kooxda ku ciyaarta magaca Wasaaradda Warfaafinta, iyada oo sidoo kale u soo dalacday in ay ka ciyaarto heerka koowaad.

Kooxda Wasaaradda Maal-gashiga ayaa iyadu ku guuleystay Horyaalka heer saddexaad ee kooxaha ka ciyaarka Horyaalka C, iyada oo isla kooxdan u soo gudubtay heerka labaad.

Ciyaarahan horyaallada oo sidoo kale ka qabsoomay Magaalooyinka waaweyn ee dalka qaarkood, ayaa marka ay soo dhamaadaan waxa la qaban doonaa Horyaalka Champions ee Somaliland, kaas oo ay marti gelin doonto Magalada Berbera, waxaana ka qayb gali doona Kooxaha qaaday Horyaallada Gobollada.

Horyaalladan ayaa muddadii ay socdeen, waxa ka soo dhex baxay ciyaartoy dhalinyaro ah oo fursad u helay in ay ku ciyaaraan Garoonka weyn ee Hargeysa Studium, markii u horeysay qaarkood, iyaga oo xirfadooda ku soo bandhigay halkaasi.

Sidoo kale, waxa ku cusbaa horyaalladan oo xukuumaddu door weyn ka qaadatay dhiiri gelinta dhalinyarada, madaama oo Kooxaha tartamadan ka qayb galay intooda ugu badan ay ku ciyaarayeen Magaca wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladdu, in ciyaartoyda kooxuhu kala iibsanayeen, si koox kasta isu xoojiso.

Horyaalladan ayaa ahaa kuwo xiiso gaar ah leh oo dadweynuhu xaadiri jireen Garoomada, halka kuwa kale toos ugala socon jireen shaahadaha Telefishannada

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS