BALIGUBADLE MEDIA
Waa Sidee Xaaladda Coldoon Kadib Xabsigii Loo Taxaabay.
September 1, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax, ayaa sheegay in xaalad caafimaad Hargeysa loo keenay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xanuun ka cabanayey, kaas oo laga soo qaaday Jeelka Mandheera.

Xildhibaan Axmed khaliif Jaamac Saalax, oo ka hadlayey arrintan ayaa yidhi

“Sida uu Ii Xaqiijiyay Daqiiqado kahor Taliyaha Ciidanka Asluubta Coldoon Saaka Wuu Xanunsanaa oo waxuu ka cabanayay Lug ,Waxaana Baadhis Caafimad Loo ageeyay Mid kamid ah Cisbitaalada Hargeisa ,Wax Dhib ah oo uu qabaana majirto,Waxaana Lagu Celiyay Jeelkii Mandheera.
Waxba kama jiraan Wararka Sheegaya in Coldoon Lawaayay ,Wax hala Hubsado Ayaan leeyahay,Isha Allah Cadaalad buu heli doonaa Coldoon.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS