BALIGUBADLE MEDIA
Shaki Ka Dhashay Xaflad Kulmiye Leeyahay Oo Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinku Ka Qayb Galay.
September 17, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xoghayaha Arrimaha Guddaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Faarax, ayaa ku tilmaamay xafladda uu ka qayb galay Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinku mid abuuraysa kalsooni darro.

Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Riyo raac looga fadhiyo inuu caddeeyo sababta uu xafladda Xukuumadda Kulmiye uga qayb galay, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha komishanka doorahsooyinka qaranka Cabdirashiid riyo raac wuxuu masuul ka yahay haayad garsoor oo leh baaxad sharci, Guddoomiyaha haayaddaasi qaran wuxuu ku kacay tallaabo abuuraysa kalsooni darro, asxaabta qarankana tusaysaa in Komishankii iyo xukuumaddi isku milmeen, Riyo raac waxa looga fadhiya in uu caddeeyo sababta iyo ujeedada xafaladaha xil-wareejinta xukuuamadda KULMIYE uga sacabba tumo, Xisbi ahaan ma aqbali karro habdhaqanka gurracan ee Riyo-raac.

Waxa foolxumo iyo fadeexad qaran ah in Riyo-raac moogan yahay xilka masuuliyada culus, waajib wuxuu ka saaran yahay diyaarinta doorashada, masuuliyadiisu maaha in uu sacabbo ka tumono maalinba xil-wareejin, xisbi ahaan waxaanu usoo jeedinaynaa in uu ka waantoobo xafladahaa aan shaqadiisa iyo sharafta komishan ahayn.

Waxaanu diyaar u nahay doorasho xora oo xalaal, waxaanu kalsooni weyn ku qabnaa shacabka is bedel doonoa ah codookooga, waxAn hirgelin doonaa Xisbiga WADDANI xukuumad ku adeegta sinnaan iyo caddaalad, waxaanu bedeli doonaa xukuumadda KULMIYE ee aan lahayn haybadda hoggaamineed iyo horumarka.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS