BALIGUBADLE MEDIA
Qodob Halis ah Oo Golaha Wakiiladdu Ka Saareen Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
September 19, 2021 - Written by Ahmed ALI

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka saaray xeerka Shaqaalaha Dawladda in Agaasimeyaasha Guud Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladdu ka sii mid ahaado shaqaalaha marka xilka laga qaado, siina qaato mushaharka aasaasiga ah ee shaqaalaha dawladda.


Qodobkan oo Golihii hore ku ansixiyeen, ayaa mudanayaasha cusub ka saareen, markii ay gudo galeen doodda xeerkan oo ay maanta ansixiyeen.

Qodobka 20aad ee xeerka shaqaalaha Dawladda, oo ka hadlaya agaasimeyaasha Guud, ayaa waxa uu tilmaamayaa farqada 5-aad ee qodobkan.

“Agaasimeyaasha Guud marka xilka laga qaado kama sii mid ahaanayo shaqaalaha dawladda, wuxuuna yeelanayaa xuquuq muddadii uu shaqaynayey sida shaqaalaha kale ee dawladda”

Xigasho: Wargeyska Saxansaxo

COMMENTS