Odayaasha Dan Iyo Duco Iyo Wasiir Cabdilahi Abokor Oo Yeeshay Kulan Is Laab Xaadhasho ah.
September 13, 2021 - Written by Ahmed ALI
Odayaasha Dan iyo Duco iyo masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir Cabdillaahi Abokor oo yeeshay kulan is laab-xaadhasho ah.

Odayaal, siyaasiyiin iyo Masuuliiyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Cabdillaahi Abokor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin, ayaa xalay yeeshay kulan ay isku laab-xaadhanayeen, iskagana cafinayeen gardoofooyin iyo is jiidh-jiidh siyaasaddeed oo salka ku hayey doorashooyinkii Wakiillada iyo Deegaanka dalka ka dhacay, kuwaas oo ay Odayaashan iyo siyaasiyiintu u horseeday in ay Muxaafid iyo Mucaarad u kala jabaan, iyaga oo Xildhibaanno kala duwan wata.
Kulan is laab-xaadhashada ahaa, oo qaar kale ka horreeyeen ayey Odayaashan iyo siyaasiyiintan, ayaa isku af-gartay in la isa saamaxo oo jewi cusub oo wada shaqayneed la bilaabo, madaama doorashadii dhamaatay, tii madaxtooyaduna soo dhawdahay.
Waxgaradka iyo siyaasiyiinta kale ee kulankan ka qayb galay waxa ka mid ahaa Caaqil yare, Jaamac Rooble, Maxamed Cabdillaahi Mirre, Cabdi Qarax iyo Cabdiqani Xaaji Muuse.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS