Mudanayaasha Golaha Wakiiiladda Oo Ansixiyay Xeerka Shaqaalaha Dawladda
September 19, 2021 - Written by Ahmed ALI
Mudaneyaasha golaha Wakiillada, ayaa ansxiyey xeerka shaqaalaha dawladda, oo maalmihii u dambeeyey ay ka dooddayeen.

Fadhigan Golaha Wakiillada oo ay ka soo xaadireen 60 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi ka kooban yahay, waxaanay Xildhibaannadu cutub, cutub u ansixiyeen xeerkan Shaqaalaha Dawladda, oo ka kooban 12 cutub.
Xeerkan Shaqaalaha Dawladda, ayaa ka kooban 78 qodob.
Ugu dambeyntii Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa cod u qaaday xeerka Shaqaalaha Dawladda, waxaanay 55 mudane ogolaadeen in la ansixiyo, halka 4 mudane ayaa diiday, guddoomiyuhuna ma codeyn
Xeerkan, oo golihii u hore ansixiyeen, ayaa waxa dib ugu soo noqday Golahan cusub, kuwaas oo iyagu mooshin ku dalbaday in aan la ansixine laga doodo, madaama oo aanay iyagu hore uga doodin.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS