Maxay Daarnayd Khudbad Edna Aden Ka Jeedisay Jaamacadda Utah Ee Carriga Maraykanka.
September 26, 2021 - Written by Ahmed ALI
Dr. Edna Adan Ismaciil oo khudbad ka jeedisay
Jaamacada ugu qiimaha badan University of Utah ee dalka Maraykanka

Ardayda iyo dhakhaatiirta Magaalada Salt Lake City ee dalka Maraykanka ayaa waxa ay ku farxeen in ay magaalada Salt Lake City ay ku sugan tahay toddobaadkan Dr.Edna Aden.
Dan Rascon,Madison Swenson iyo KSL TV, ayaa waxa ay ka warbixiyeen waxqabadka Dr.Edna ka gaysatay gudaha Somaliland.
Waxa kale, oo Doterra oo ah shirkad samaysa saliida kariimka ah lagana leeyahay gobolka Utah balabqaaday in cispitaal weyn ay ka hirgalinayso Hargeisa, oo ah caasimada Somaliland.
Dr.Edna Aden ayaa ka khudbadaysay Jaamacada ugu qiimaga badan Gobolka Utah, ee University of Utah ee dalka Maraykanka ayaa u mahadcelisay shirkadda Doterra.
Waxaana ay Dr.Edna Aden Sabtidii shalay iyo maanta oo Axad ah ka qaybgashay casuumad ay u fidiyeen Doterra iyo Boyd Matheson oo ka socda KSL Radio.
Sidoo kale Bulshada ka soo jeeda Somaliland ee ku nool Salt Lake City ayaa sidoo kale soo dhaweeyey Dr.Edna Aden.Gobolka Utah ayaa ku yaala dhinaca galbeed ee Wadanka Maraykanka.
Xigasho.Posted by: Ahmed Adam
Axad, September 26,2021
Like this:
Like Loading...
COMMENTS