BALIGUBADLE MEDIA
Maxaa Muhiim Ka Dhigaya In Xirsi Cali Xaaji Xasan Loo Doorto Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.
September 17, 2021 - Written by Ahmed ALI

Maxaa Muhiim Ka Dhigaya, In Xirsi Cali Xaaji Xasan Loo Doorto Guddoomiyaha WADDANI?

Waxa Qoray, Khadar Hassan X. Ahmed

Inkasta oo aanu wali shaacin, haddana waxa la filayaa inuu Hogaamiye Xirsi Cali X. Xasan ka mid noqdo xubnaha ugu cadcad ee u tartamaya guddoomiyaha xisbiga WADDANI ee sannadaha soo socda. Hadaba maxaa muhiim ka dhigaya, maxaa iska bedeli kara siyaasadda Somaliland haddii Xirsi ku guulaysto guddoomiyennimada WADDANI?:

1. Awood-qaybsi Siyaasadeed: Marka Xirsi loo doorto Guddoomiyaha WADDANI waxa isbedeli doona awood qaybsiga kuraaste saree e xisbiga iyo saamiga deegaannada ee hogaanka sare.Taasina waxay muhiimad weyn u leedahay xisbiga iyo taageerayaashiisa, maadaama xisbiyad kale lagaga cabanayo hogaamin qof kali ah ka bilaabanta kuna dhamaata isla qofkaas.

2. Maalgelintiisa Xisbiga: Sida la ogyahay Xirsi, isagoo ka mid ah wasiirradii ugu tunka weynaa xukuumaddii wakhtigaas ayuu bannaanka uga soo baxay madaxtooyadii, islamarkaasna waxa uu bilaabay inuu kobcin iyo maalgalin ba ku sameeyo xisbiga WADDANI, taas ayaana maanta soo gaadhay in guddoomiyaha xisbiga loo saadaalin karo, xisbiga laftiisana guul siyaasadeed oo soo wajahan loo saadaalinayo.

3. Saamaynta Deegaankiisa: Xirsi sida la wada ogyahay waa nin saamayn weyn ku leh deegaankiisa, waxaana arrintaas sii xoojiyey markii bulshada deegaankiisu ay ku hungawday xisbigii KULMIYE ee ay tacabka badan galiyeen, waxay hadda u arkaan inuu Xirsi u rari karo doogsin barwaaqo ah oo kii ka wanaagsan horumar ahaan iyo siyaasad ahaan ba.

4. Xidhiidhka uu la Leeyahay Ganacsatada: Had iyo jeer, siyaasadda Somaliland waxa qayb ka ah ganacsato la sheego inay xisbi ama siyaasi gaar ah badhi taarayaan, ha noqoto dano siyaasadeed ama mid tolniimo. Haddaba Xirsi waxa la sheegaa inuu xidhiidh wanaagsan la leeyahay ganacsatada deegaankiisa iyo kuwo kale oo deegaannada Somaliland ka soo jeeda, taasoo noqon karta awood dhaqaale oo isku hallayn karo, xisbigana ku soo kordhin karo.

5. Dhexgalka Dhallinyarada iyo Bahda Waxbarashada: Sannadaha soo socda waxa la saadaalinayaa in siyaasadda Somaliland qaadato jiho cusub, iyadoo laga gudbayo in oday dhaqameed uu yidhaahdo “haddii aanu nahay beel hebel waxaanu isku raacnay sidaas iyo sidaas”. Baraaruga dhallinyarada ayaa arrintaasi meesha ka saaray, waxaana hadda muuqata in qofka dhallinyarada ahi qaadanayo go’aan danihiisa ku qotoma, isagoo sidaas ogsoon ayuu Xirsi iminka ka mid yahay dadka xidhiidhka wanaagsan la leh dhallinyarada waxbaratay iyo guud ahaan bahda aqoonta.

6. Midnimada Togdheer: Xirsi waxa sannadihii dambe isku dayay inuu jabiyo dayrka qaybaaladeed iyo nacaybka khiyaaliga ah ee loo sawiro beelaha wada degan Togdheer iyo Burco. Haddii loo doorto guddoominta WADDANI waxa sii xoogaysan doona midnimada Togdheer, taasoo qayb ka wayn ka qaadan doonta horumarka deegaanka.

7. Burburinta Fekerka Jeegaanta: Hogaamiye Xirsi waxaa lagu sheegi karaa siyaasigii ugu horreeyey ee saamayn leh ee tashuush ku fura isbahaysiga deegaamaysan ee jeegaanta. Arrintaas hadda keli kuma ah oo dad badan ayaa aaminsan in fekerkaas bulshada lagu kala qaybiyey la baabi’iyo. Haddaba marka Xirsi loo doorto guddoomiyaha WADDANI waxa meesha ka bixi doona shakhsiyaadka iyo kooxaha wali sii quudarraynaya soo noolaynta fekerkii jeegaanta.

Waxa Qoray, Khadar Hassan X. Ahmed

COMMENTS