BALIGUBADLE MEDIA
Kulankii Siilaanyo, Cirro, Amb: Baashe Cawil iyo Boqor Cismaan ee Imaaraadka Carabta
September 24, 2021 - Written by Ahmed ALI

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”
ayaa maanta oo jimce ah gelinkii dambe wuxuu booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay hoyga uu ka degen yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii Hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wuxuu ahaa kulan lagu waddaagay fikiro togan oo siyaasi ah iyo faallooyin guud oo ku saabsan waaqaca iyo waayaha waddanku marayo.

Ugu dambayntii Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kalmad mahad-celin ah kusoo xidhay booqashadii iyo salaan sharafeedkii Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu yimid. Waxa kale oo kulankaas ku wehelinaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Somaliland.

Muniir Axmed Cigaal .

COMMENTS