Jidkii Muuse Biixi Usoo Maray Madaxwaynenimadda Somaliland
September 26, 2021 - Written by Ahmed ALI
Waa dabayaaqayadii bishii March ee 2008 shirweynihii Kulmiye, labada nin ee sawirkan ka muuqdaa waa Axmed Xuseen Ciise, Xoghayihii arrimaha dibedda ee Xisbiga Kulmiye, oo wakhtigan u sharaxnaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, doonayeyna inuu kula tartamo Axmed Siillaanyo oo Guddoomiyaha Xisbiga ahaa, ninkan kale waa Muuse Biixi Cabdi, oo imika ah Madaxweynaha Somaliland, markan waxa uu u sharaxnaa Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Kulmiye, isla shirkan loogu doortay, inkasta oo uu loollan adag oo aanu filayn kala kulmay Mujaahid Ibraahim Dhega weyne.

Muuse Biixi, wakhtigaas muu taageersanayn damacii Murrashaxnimo ee Axmed Xuseen Ciise, waayo wuxuu u arkayey inuu khatar ku yahay damaciisa mustaqbalka ee Kulmiye, waxaanu ergadii deegaankiisa ku qancinayey in ay Siillaanyo dhisaan, isagana kuxigeenka ku dhisaan, waxaanay taasi keentay inuu shirka markii dambe ka cadhoodo Kulmiye-na ka baxo, iyadoo Xilkii Xoghayaha Arrimaha dibedda ee uu hayeyna loo magacaabay Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo markii dambe noqday Wasiirkii arrimaha dibedda ee Xukuumaddii Siillaanyo.
Markale taariikhdu waxa ay xustaa in Samaale laftiisa oo si damac uga hayey Kulmiye in ka hor shirweynihiisa wakhtigaas, doorashadii Baarlamaanka inuu Muuse Biixi ku qanciyey Siillaanyo in Cabdicasiis Samaale noqo murrashax wakiillada ah, si uu qayb iyo difaac uga noqdo duufaanadii siyaasaddeed ee wakhtigaas taagnaa ee u dhexeeyey UDUB iyo Kulmiye, si aanu ugu cidhiidhiyin damaciisii Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye ee wakhtigaasi.
Markaa Guddoomiyenimada Kulmiye President Biixi, jid dheer ayuu u soo maray oo qodxihiisa leh, waa in yar oo ka mid ah jidkaas uun qoraalkan yari.
Isha Ku Hay Baligubadlemedia
Like this:
Like Loading...
COMMENTS