BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Guurtida Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socotay Dawlad Deegaanka Somalida
September 26, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xoghayaha Golaha Guurtida iyo Xildhibaano ka tirsan Guurtida oo kulan la yeeshay Wefti ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu Hogaaminayay
Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Faafan.

Wafti ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu Hogaaminayay
Guddoomiyaha Maxkamada Gobalka Faafan
Iyo Hogaanka sare ururka qareenada dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia oo socdaal ku jooga dalka Somaliland ayaa Maanta kulan la yeeshay Xildhibaano ka tirsan Golaha Guurtida iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida iyo
Guddoomiye ku xigeenka Ururka Qareenada Somaliland.

Xildhibaano ka kala tirsan Guddiyada shuruucda iyo Garsoorka Guddida arimaha Bulshada iyo Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida oo kala ahaa Xildhibaan Garyaqaan Mustafe Maxamed Xaaji Daahir Xildhibaan Mukhtaar Diirqadhaan, Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi ayaa uga xog waramay Marxaladihii kala duwanaa ee Golaha Guurtida ka soo qaatay taabo galinta Nabadaynta dalka iyo Hirgalinta Dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Marxaladihii adkaa ee ay ka soo qaateen Nabadeynta Beelaha Somaliland,

Xoghayaha guud Golaha Guurtida
Cabdinaasir Aadan Beegsi uga waramay Weftigan ka socday Dawlad Deegaanka wakhti Golaha Guurtida Nabadayn u tageen Deegaano ka mida Dawlad Deegaanka isla,markaana ay muhiim tahay in labada Dawladood ee Somaliland iyo Dawlad Deegaanka ka wada shaqeeyaan Nabedgalyada madaama ay wadaagaan labada dal Xuduud dheer.

Sidoo kale Weftigan ka socday Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay ka mahadnaqeen sida loogu soo dhaweeyay dalka Somaliland,waxaana ay sheegeen in ay muhiim tahay in labada Dawladood shaqeeyaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS