BALIGUBADLE MEDIA
Faysal Cali Waraabe Oo Xilal Magacabay.
September 22, 2021 - Written by Ahmed ALI

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa hakiyey dhammaan addeegyada Hay’adda Caymiska qaranku u qabato shirkaddaha bixiya Caymiska.

Mooshin Golaha wakiilladu ka keeneen dooddii maalmihii u danbeysay ka taagnaa Adeegga Caymiska ee kootada loogu xidhay Shirkadda Amaanah, ayaa Mudaneyaasha Goahaasi waxa ay mooshinkan ku soo jeediyeen in la hakiyo adeegyada caymiska inta la dhamaystirayo xeerka ay ku shaqaynayaan

“Golaha Wakiiladdu, waxa uu soo jeedinayaa in ay Hay’adda Caymisku hakiso dhammaan adeegyada caymiska ee shirkadduhu bixiyaan iyo takaaliifta illaa inta Xeerkoodu ka gudbayo sharci dejinta, isla markaana dhaqan geliyo xeerka Shirkaddaha Caymiska ee Golaha horyaalla.” Ayaa lagu yidhi Mooshinkan Goluhu ansixiyey, waxaana intaasi ku daray

“In guddida dhaqaaluhu muddada ka hadhsan kal-fadhiga Golaha, ku soo xaqiijiyaan ku haboonaanta Masuuliyadda xil-gudasho ee Guddoomiyaha iyo kuxigeenka Hay’adda Caymiska, isla markaana ka soo talo bixiyaan, una soo gudbiyaan Golaha Wakiillada”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Masuuliyiin Cusub Magacaabay

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe’ ayaa Magacaabay Masuuliyiinta Xisbiga UCID uga Wakiil Noqon Doona Waddanka UK ee Ingiriiska.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo soo saaray Wareegto uu ku saxiixan yahay kuna magacaabay Maamulka Cusub ee Masuuliyiinta Dalka Ingiriiska u Qaabilsanaan doona Dalka Ingiriiska
Xisbiga Ucid kuwaas oo 6 Masuul ka kooban Xubnaha la magacaabay waxaad ka akhrisata Warqada magacaabista magacyadooda iyo Xilalka loo kala magacaabay mid kasta.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS