Daqiiqadihii argagaxa badna ee weeraradii 11 September.! Waxa qoray: Eng Samaale Mo Somaali
September 11, 2021 - Written by Ahmed ALI
Daqiiqadihii argagaxa badna ee weeraradii 11 September.!
Dad Maraykan ah ayaa ku soo toosay subaxnimadii Talaadada bishi Sebtember 11, 2001, weeraro argagax leh oo gilgilay Maraykanka iyo guud ahaan adduunka oo dhan kuwaas oo galaaftay nolosha boqolaal qof oo aan waxba galabsan maalinta,

Sabtida manta ah waxay ku beegan tahay sannad guuradii 20 aad ee ka soo wareegay weeraradii lagu qaaday dalka maraykanka, kaas oo galaftay nolosha ilaa 3,000 qof oo dhimasho ah iyo 25,000 dhawac ah kadib markii diyaarado lagu dhuftay guryihii mataanaha aha ee Xarunta Ganacsiga Adduunka kuna yaalay magaalada New York, diyaarad kale lagu dhuftay xarunta Waaxda Difaaca Mareykanka ee “Pentagon”, halka diyaaraddii afraadna la soo riday iyada oo rabtay in ay weerar qaado.
halkan Hoose waxaa ku qoran dhammaan daqiiqadahi argagaxa laha ee Mareykanku la kulmay maalinta iyo gebi ahaanba siday wax u dhaceen.
7:59: aya diyaaradda American Airlines Flight Boeing 767 waxay ka duushay magalada Boston ee gobolka Massachusetts taas oo ku socotay magalada Los Angeles waxaana saarnaa 81 rakaab ah iyo 11 shaqaale ah.
8:14: aya diyaaradda United Airlines Flight 175 ayaa waxay ka duushay Iyana magalada Boston kuna socotay magalada Los Angeles waxaana saarnaa 56 rakaab ah iyo 9 shaqaale ah.
8:14 subaxnimo: ayaa lagu dhawaaqay Afduubkii diyaradi American Airlines Flight 11 Waxaana saarna shan afduubayaal ah.
8:20 subaxnimo: American Airlines Flight 77 ayaa ka duushay Washington D.C, taas oo ku sii jeeday magalada Los Angeles iyadoo siday 58 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah.
8:42 subaxnimo: Duulimaadkii United Airlines Fligh Boeing 757 oo ay la socdeen 37 rakaab ah iyo 7 shaqaale ah ayaa ka duushay Gegida diyaaradaha magalada Newark
ee gobolka New Jersey kuna sii jeeday Madaarka Caalamiga ah ee magalada San Francisco.
8:42 – 8:46: ayaa lagu dhawaaqay Afduubka Diyaaraddi United Airlines Flight 175 hawada waqooyi galbeed ee gobolka New Jersey Waxaa saarna iyana 5 afduubayaal ah.
8:46 subaxnimo: ayaa diyaradi American Airlines Flight 11 waxa lagu dhuftayTowerka waqooyi ee guryaha mataanaha aha gaar ahaan inta u dhaxaysa dabaqa 93aad iyo 99aad. Dhammaan dadkii saarnaa diyaaraddana halka ayey ku madheen.
8:50 – 8:54: Afduubka Diyaaraddi American Airlines Flight 77 ayaa lagu dhawaaqay hawada koonfurta Ohio Waxaana saarnaa shan afduubayaal ah.
9:03: Duulimaadkii 175 ayaa ku dhacay Towerka koonfureed ee Xarunta Ganacsiga Adduunka magalada new York gaar ahaan inta u dhexeysa dabaqa 77aad iyo 85aad waxaana ku dhintay dhammaan dadki saarnaa.
9:28 subaxnimo: ayaa lagu dhawaaqay afduubka diyaradi United Airlines Fligh Boeing 93 hawada waqooyiga ee magalada Ohio Waxaana saarana afar afduubayaal ah.
9:37 subaxnimo: aya diyaradi American Airlines Flight 77 waxa lagu dhuftay dhinaca galbeed ee dhismaha xarunta Pentagon ka halkana waxa ku beexamay Dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda.
9:45: dhamaan Hawada Mareykanka waa la xiray Dhammaan wixii diyaarado hawada ku jira marka waxa lagu amray inay ka degaan garoonka ugu dhow si deg deg ah.
9:59: Daarta Koonfureed ee Xarunti Ganacsiga Adduunka ayaa burburtay.
10:03: diyaaradi United Airlines Fligh 93 waxay ku dhacay kaynta Pennsylvania ka dib dagaal dhex maray rakaabkii iyo afduubayashi halkana ay dhamaantood ku naf wayeen.
10:28: Daartii Waqooyi ee Xarunta Ganacsiga Adduunka ayaa Iyana burburtay.
10:50 subaxnimo: 5 dabaq oo ku yaal dhinaca galbeed ee dhismaha Pentagon ka ayaa dumay ka dib dab ka kacay.
Waxa qoray: Eng Samaale Mo Somaali
Like this:
Like Loading...
COMMENTS