BALIGUBADLE MEDIA
11 Heer Oo Uu Soo Maray Kiiska Ikraan
September 13, 2021 - Written by Ahmed ALI

11 TOBON HEER OO UU SOO MARAY KIISKA IKRAAN

1- 26-dii June ayaa la waayay
2- 27-dii July ayaa war lagu soo qorey Warbaahinta dowladda lagu sheegay in xeer illaaliyaha ciidanka uu guddi 3 xubin ah u saaray
3- Labadii Bishan September ayaa war lagu soo qorey Warbaahinta dowladda lagu sheegay in Ikraan ay Alshabaab dishay
4- Alshabaab ayaa beenisay warkaasi maalinkii xigtay- dii September.
5- Raisulwasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka si toos ah ugala hadlay shabakadaha Baraha Bulshada xafiiskiisa, wuxuuna taliyihii NISA Fahad Yaasiin ka codsaday in 48 saac gudahood uu warbixin dhamaystiran ugu soo gudbiyo kiiska Ikraan. 4-tii September
6- Waqtigii oon dhammaan ayuu Fahad soo jawaabay, wuxuuna sheegay in warbixinta uu siin doono Golaha Amniga Qaranka.
7- Lixdii September ayuu si kumeelgaar ah Raisulwasaaraha xilka uga qaaday Fahad Yaasiin, taliyihii Nabad Sugidda.
8- Isla maalinkaas waraaq kasoo baxday Madaxweynaha ayaa Fahad lagu faray in warbixinta laga codsaday uu ku horkeeno shirka Golaha Amniga Qaranka.
9- Qoyska gabadha ayaa dacwad kanfurtay maxkamadda (8-dii september)
10- Wafti ay hoggaaminayso Aamini J Maxamed oo ah ku xigeenka Xoghayaha Guud aya shalay (12-kii september) ka codsatay madaxda dowladda in kiiska gabadha caddaaladda saxda ah la mariyo.
11- Caawo ayuu ugu dambeyn Madaxweynaha guddi heer qaran ah u saaray baarista dilka Ikraan.

Waxa qoray Cabdinaasir Saxansoxo

COMMENTS