BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland oo Ka Hadashay Cida Gacanta Ku Haysa Maamulka Hawadda Somaliland
August 17, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in Somalia isku dayday in ay jujuub kula wareegto maamulka Hawada Somaliland, taasina ay u suuro geli wayday oo ay Somaliland iyadu gacanta ku hayso maamulka hawadeeda.
Maareeyaha Hay’adda Madaarada Somaliland Cumar-siyad Cabdillaahi oo maanta hor tegay guddida joogtada ah ee Golaha Wakiillada, ayaa xusay in ay u qorsheysan yahay in ay qaadaan tallaabooyin adag oo la xidhiidha hawadooda, haddii laga maarmi waayo, waxaanu yidhi “Qoladaa Somaliya waxay doonayaan in ay Hawadeena jujuub ku qaataan laakiin ma jirto hawo ay inaga maamulaan oo diyaaradna inagama joojin karaan midnaa inoomasoo fasaxi karaan, anaguna waxaanu wali ilaalinaynaan in aanaan car qaladayn wadahadaladii Jabuuti ee Somaliland iyo Somaliya balse waxaa noo diyaarsan in aanu qaadno talaabooyin Adag hadii laga maarmi waayo”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS