BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwayne Biixi Oo Shacabka Ku Hambalyeeyay Curashadda Sanadka Cusub Ee Islaamka.
August 8, 2021 - Written by Ahmed ALI

Madaxweynaha Somaliland ayaa Curashada Sannadka Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgeed Hambalyo u diray Shucuubta Islaamka iyo Shacabka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo u dhignaa sidan.

HAMBALYO MADAXWEYNE : 08 /08/2021

Hambalyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Ee Sannadka Cusub Ee Hijiriyada Islaamka – 1443-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Boogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS