BALIGUBADLE MEDIA
“Maamulka Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargaysa waxa la gud-boon inay soo bandhigaan qorshahooda Lix billoodka ah si loo gula xisaabtami karo” Zakaria Ahmed
August 4, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Maamulka Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargaysa waxa la gud-boon inay soo bandhigaan qorshahooda Lix billoodka ah si loo gula xisaabtami karo”

Waxaa qoray:- Zakaria Ahmed.

Maamulka Cusub ee Dawladda Hoose ee Hargaysa waxa la gud-boon inay soo bandhigaan qorshahooda Lix billoodka ah si loo gula xisaabtami karo. Maayarku waa innuu soo bandhigaa qorshihiisa isaga oo ka qayb-galinaya bulshada noocyadeeda kala duwan ee ay khusayso. Waxaana fiican in qorshihiisa uu awoodda ku saaro arrimahan.

1. Nidaamka Canshuur soo xaraynta kor loogu qaadayo iyada oo aan shacabka culays lagaga dhigayn in canshuurta la kordhiyo.

2. Maamul-daadajinta iyo addeegyada ay Degmooyinku u qaban karaan shacabka.

3. Kor-u-qaadidda isla xisaabtanka, isagga oo soo bandhigaya nidaam daah-furan oo dhammaan masuuliyiinta ugu sarreeya DDH ay si fudud uga wada socon karaan.

4. Nidaamka maaraynta qashinka, biyaha Roobka, dhisida iyo dib-u-hagaajinta waddooyinka.

5. Tayanta shaqaalaha Dawladda Hoose.

6. Soo bandhigida qorshayaasha ku Aadan dhalinyarada, dhiirigalinta hal-abuurka, Caafimaadka iyo Waxbarashada inta ay awooda DDH tahay.

Maayar Mooge haddii uu soo bandhigo qorshayaashiisa, in lala xisaabtamaa aad bay u fuddudaan, isna shaqadu way u fududaan. Rabbi caasimadda ha ku asturo Maayarkeenna.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS