BALIGUBADLE MEDIA
“Deegaanka la iga soo doortay ee Sool, gaar ahaan Degmada Caynabo, derajadeedu waxay ka mid tahay caqabadaha qaranka horyaalla.” Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi”
August 7, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillaahi oo ka mid ah Mudenayaasha cusub ee Golaha Wakiillada, ayaa ka hadlay xeerarka muhiim ah ee ay gole ahaan doonayaan marka ay shaqada bilaabaan in ay guddo galaan, oo wax ka qabtaan.

Xildhibaan Mustafe Khayreeye, oo warbaahinta maanta kula hadlayey, waxa uu xusay in waxyaabaha golaha horyaalla ay ka mid tahay xeerka kala xadaynta degmooyinka iyo tuullooyinka, si loo ogaado mid walba inta ay xukunto, waxaanu yidhi: “Dhaliilaha sharci ee jira ee u baahan in wax laga qabto way badan yihiin, waxaana tusaale u ah tii dhacday maalintii shirguddoonka la dooranayey ee aan xeer hoosaadka ku cadayn ee ahayd, haddii ninka u da’da weyn murrashax yahay wax la yeelayo. Waxa kale oo jira xeerkii la odhan jiray 12 ee midaynta cashuuraha oo qaybtii kabka dawladdaha hoose lagu daray amma la raaciyey xeerka is maamulka gobollada iyo degmooyinka. Waxa isaguna jira oo golaha horyaalla xeerkii kala xadaynta degmooyinka, oo ay muhiim tahay in la ogaado degmo walba inta ay xukunto. Waxa muhiim ah in la ogaado degmo walba derejadeeda, tusaale su’aalaha caqli galka ah ee iman kara waxa ka mid ah sidee ayey u dhici kartaa in caasimadda gobol oo derajadeedu C yahay wax suurto gal ah maaha, markaa deegaanka la iga soo doortay ee Sool, gaar ahaan Degmada Caynabo, derajadeedu waxay ka mid tahay caqabadaha qaranka horyaalla.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS