BALIGUBADLE MEDIA
Daalibaan oo Cafis U Fidisay Masuuliyiintii Dawladii Dhacday Ee Dalkaas
August 17, 2021 - Written by Ahmed ALI

Ururka Daalibaan ee la wareegay xukunka dalka Afghanistan, ayaa cafis guud u fidisay dhammaan mas’uuliyiinta dowladdii Afghanistan, iyagoo ku boorriyay inay ku laabtaan shaqada iyagoo qaba kalsooni buuxda oo ay ku shaqeeyaan.


“Cafis guud ayaa loo fidiyay dhammaan … marka waa inaad dib u bilowdaa nolol maalmeedkaaga si weliba ay kalsooni buuxda ku jirta,” ayey qortay AFP, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay Daalibaan.
Hadalkan ka soo yeedhay Kooxda Daalibaan, ayaa meesha ka saaraya cabsi iyo kala yaac soo wajahay saraakiishii Dawladdii Ashraf Ghani ee meesha ka baxday

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS