BALIGUBADLE MEDIA
Agaasimihiii Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Is Casilay.
August 7, 2021 - Written by Ahmed ALI

Agaasimihii Xarunta Dhexe ee Kulmiye oo is Casiley.

Agaasimihii xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye, ayaa iska casilay xilkii agaasimenimo ee uu ka hayey Xisbigaasi.

Agaasimahan oo lagu magacaabo Caydaruus Aadan, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu Madaxda Kulmiye u diray, inuu ka tegay shaqadii uu ka hayey Xarunta dhexe ee Kulmiye.

Shaqo ka tegista Masuulkan, ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhawaan Xisbiga Kulmiye ku guul daraystay damacii uu ku doonayey inuu ku hanto Shirguddoonka Golaha Wakiillada.

Sidoo kale, iscasilaadan, ayaa ku soo aadaysa, iyada oo xubno ka tirsan isla Kulmiye shalay Burco kaga dhawaaqeen in ay iska casileen Xisbiga Kulmiye.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS