BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Somaliland Oo Koronto Ku Xidhaysa Garoonka Hargeysa Stadium.
July 3, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xukuumadda Somaliland oo Laydh ku xidhaysa Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Studuim, kaas oo aan hore lahayd Laydh sahlayey in Habeenkii lagu ciyaaro.

Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayaa shaacisay Tartan loo gelinayo Laydh ku xidhista Garoonka, waxaanu war gelin ka soo baxday xafiiska Guddida Qandaraasyada lagu yidhi
“”Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland wuxuu baahinayaa, isla markaana ku wargalinayaa Shirkadaha ka shaqeeya Laydhka iyo Ganacsata ka shaqaysa Hawlaha laydhka Galinta iyo cidkasta oo danaynaysa usoo ban dhigayaan Laydh laygu xidhi doono Stadium Hargeysa (Iftiiminta Garoonka kubada cagta Hargeysa)”

COMMENTS