BALIGUBADLE MEDIA
Xidhibaan Faratoon Iyo Xildhibaano Kale Oo Booqday Ex Madaxwayne Siilaanyo.
July 21, 2021 - Written by Ahmed ALI

Xildhibaanno ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo Murrashax Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo.

Xubnahan Xildhibaannada ah ee Xildhibaan Faratoon la socday, ayaa Axmed Siillaanyo ugu tegay salaan iyo bariidin, madaama oo lagu jiro maalmihii Ciidda.

Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif oo isna ah murrashax Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee isbahaysiga Mucaaradka ayaa hore u booqday Guriga Axmed Siillaanyo, halkaas oo booqasho salaan ah ugu tegay.

Salaantan igu sawirtu weheliso, ayaa u muuqata mid qayb ah ololaha loogu kursiga Golaha Wakiillada, oo meel xasaasi ah maraysa, inkasta oo dadka siyaasadda falan-qeeyaa ay tilmaamayaan in aanay sawiradan Xaaji Axmed Siillaanyo aanay waxba ka tarayn kasbashada Xildhibaannada ee labada dhinac ku hawlan yihiin.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS