BALIGUBADLE MEDIA
Warbixin Shaaca Ka Qaaday Sharciyadda Shirkadda SIS Iyo Cida Xajiimaynta
July 16, 2021 - Written by Ahmed ALI

Shirkada Integrated Shipping Services (#ISS) ayaa ah Shirkadda Wadaniya oo laga leeyahay Somaliland, taasi oo uu Aasaase iyo Mulkiilahaba ka yahay Ganacsade Ahmed Osman Geelle, ISS ayaa Somaliland laga diwaan-galiyay muddo 20 sano laga joogo, waana Shirkadi ugu horeysay ee Dalka keenta Containerska, wakhtigaasi oo Adeega Shipping Line-ka iyo Logistics guud ahaan Dalka ku cusbaa.

Shirkada ISS ayaa ah Shirkad leh Waayo-aragnimo Ganacsi in ka badan muddo 19 Sanadooda, gaar ahaan Shaqada “Shipping Line, Clearance, Forwarding iyo Logistics ka”.

Shirkada #Integrated_Shipping_Services (#ISS) ayaa ka howl-gasha Wadamada Geeska Africa, sida Djibouti, Somalia iyo Somaliland.

Shirkadu waxay Wakiil Ganacsi u tahay Shirkaddo Caalamiya oo dhinaca Shipping Lines iyo Logistics iyada oo adeegyo Shaqo oo kala duwan bixisa.#Hayaannews.net

Shirkada ISS ayaa Sanadkii *2005tii* heshiis Ganacsi la saxeexatay Shirkada Ethiopian Shipping Line, Heshiiskaas Ganacsi ee labada dhinac ka dhexeeyey ayaa dib loo cusboonsiiyay Sanadkii 2019ka, iyadoo wakhtigaasi (2005ta) maamulka Shirkada ISS u muuqatay Isbadalka fursadaha Ganacsi ee ku iman kara Dakada Berbera hadii balaadhin lagu sameeyo, sidaasna waxa ay ISS ku noqotay Shirkada kaliyee heshiis wada-shaqeyneed oo caalamiya la gashay Shirkada Ethiopian Shipping Lines, Wakiila uga ah guud ahaan Somaliland.

Shirkada ISS Waxay heshiiskaasi ku kasbatay Waayo-aragnimada Shaqo ee ay u leedahay Arimaha Ganacsi ee Shipping Lines iyo Logistics.

Hadaba sidaynu lawada socono dhawaan ayay ahayd markii Masuuliyiin ka socda Shirkada Ethiopian Shipping Line ay Hargeisa u yimaadeen si ay uga qayb-galaan soo dhaweynta Markabkii ugu horeeyay ee Shirkadaasi lahayd oo ku soo xidhay Marsada Dakada Berbera.

Masuuliyiinta Wafdiga ka socday Shirkada Ethiopian Shipping Lines inti uu Dalka joogay, waxa uu Kulamo wada-shaqeyn ah la qaataan Shirkada DB World iyaga oo ka hada hadlay, sidi loo fudaydin-lahaa Adeegyada ay bixiso DB Work ee ku saabsab isticmaalka Dakada Berbera ee dhawaanta balaadhinta iyo casriyanta lagu sameeyay.

Sidoo kale Guud ahaan Bulshada Reer Somaliland ayaa si togan uga dareen celiyey oo soo dhaweeyey heshiiska Ganacsi ee dhex-maray Shirkada ISS iyo Ethiopian Shipping Line, iyagoo ku hambalyeey ganacsade Axmed Geele siduu uga shaqaynayo horumarinta Adeegyada Ganacsi ee dalkiisa iyo Shaqo abuurka Dhalinyarada Dalka

Wakiilnimada Ganacsi ee Ethiopian Shipping lines ayaa Fursad weyn oo Ganacsi u ahayd Shirkada ISS, taas oo ay ISS ku heshay Waayo-aragnimadeed Shaqo ee Ganacsiga Shipping Lines iyo Logistics.

Hadaba waxa wax lala yaaba noqotay in xukuumada Somaliland markii ay ku baraarugtay Wakiilnimada Ahmed Osman ee Ethiopian Shipping Line ay ku kacday ficilo is-hortaagid iyo diidmo ah oo ay ku joojinayso heshiiskii ganacsi ee ay Shirkadu haysatay muddo ka badan 16 sanadood , iyadoo Maanta *15/07/2021* Wasaarada Ganacsigu soo saartay Wareegto ay sheegtay inay gabi ahaanba shirkada ISS kala noqotay Ruqsadii ganacsi, Wareegtadeesi laguma xusin haba yaraatee wax sababo oo lagu qanci karo, oo loo cuskaday Ruqsad ka qaadistaasi Shirkadda ISS

Waxan idin xasuusinayaa in indhaweydba Arinta Shirkada ay dabada ka riixaayeen xubno ka mida Qoyska Madaxweynuha Somaliland gaar ahaan (Abdiqafaar) oo Madaxweynuhu Abti u yahay.

Sida la ii xaqiijiyay Abdiqafar ayaa dhowr jeer shirkada Ethiopian Shipping Line waydiistay inuu Wakiil uga noqdo Somaliland, Balse lagu wargaliyay in Shirkada ISS hore loo siiyay, Isla markaana ay ku adkaatay inuu sinaba ugu guulaysto kana takhaluso Wakiilnimada shirkada ISS ee Ethiopian Shipping Line, marka ay taasi u suurta gali-weyday, Abdiqafar waxa uu adeegsaday Abtigii (Madaxweyne Muuse Biixi) oo sida laga warqabo Xubnaha Qoyskiisa ku naas-nuujiya il kasta oo Ganacsi oo uu u arko in faa,ido iyo dhaqaale laga sameyn karo.

Warar aan ka helay oo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijiyay jiritaanka iyo rasminimada Warqada Wasaarada Ganaciga, iyada la sheegay in Xafiiskii Shirkada ISS ee Berbera guud ahaanba Xukuumadu sifo Sharci daro ah Albaabada iskugu dhufatay.

Dhacdadani waxa ay tusaale u tahay sida aan loo ogolayn in loo sinaado ka faa,idaysiga fursadaha Ganacsi ee Dalka ka jira, iyo sida Ganacsigii xorta ahaa ee Somaliland cid gaara loogu naas-nuujinaayo

Ugu dambayntii, Arintan Shirkada ISS la soo gudboonaatay waa mid dareenkeeda yo culeyskeeda leh, Sidaa daradeed, waxaan Shacabka Somaliland usoo jeedinayaa inay ku baraarugaan dhacdooyinka noocan oo kale ah, kuwaas oo khatar ku ah tartanka Ganacsiga iyo Suuqa xorta .

Arintan Maanta ISS lagula kacay, waxa ay ka hor-imaneysa Xeerarka Ganacsi iyo Dastuurka Dalka oo damaanad qaaday Ganacsiga iyo maalgashiga Muwaadinka, talaaban Xukuumadu uula badheedhay Shirkada ISS, waxa ay u muuqata in si gaar ah loogu beegsanaayo Shirkadaha Ganacsi ee Ahmed Osman,isla markaana loogu adeegaayo Raali-galinta cid aan hadda muuqaneyn, Bulshda Somaliland ayaa xusuusta isku daygii Xukuumadu iyo Madaxweyne Muse Biixi kula kaceen Shirkada SBI iyo guud ahaan Laas Group.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS