BALIGUBADLE MEDIA
“Somaliland kuma baaba’ayso gudoomiyinimada uu Cabdirisaaq khaliif ka noqdo golaha wakiilada Somaliland; mana baabi’in karto Somaliland shakhsi iyo kooxi toona” Cali Kubad
July 21, 2021 - Written by Ahmed ALI

“Somaliland kuma baaba’ayso gudoomiyinimada uu Cabdirisaaq khaliif ka noqdo golaha wakiilada Somaliland; mana baabi’in karto Somaliland shakhsi iyo kooxi toona” Cali Kubad

“Hadalada qaarkood dadka aan siyaasada si fiican u dhuganin, baa sidii adhiga daasado loogu tumayaa, ee cilmi kuma fadhiyaan.
Inqilaabkii la isku dayey in lagu afgembiyo xukuumadii Siilaanyo buu ku jirey, waxu ka mid yahay xarakadaha xagjirka ah, iyo Somalilandba ma aaminsana, waa wada hadalo rakhiis ah. Somaliland kuma baaba’ayso gudoomiyinimada uu Cabdirisaaq khaliif ka noqdo golaha wakiilada Somaliland; mana baabi’in karto Somaliland shakhsi iyo kooxi toona. Su’aashu waxay tahay intee jeer bay qolodan mujaahidiintu ay xaqonayaan kaadhka mujaahidnimada iyo SNM-ba? Waxa jirta maahmaah Latin ah oo tidhaahda “Horta yaa ilaali doona kuwa wax ilaaliya laftigooda”
(Quis custodiet ipsos custodes).

Imminka sharcigii baa lagu tumanayaa, shirakadihii baa la odhanayaa liisanka ayaanu kaa qadaynaa haddii aanad saamileyda ( share) naga qayb gelin, dad baa dhulkoodii laga qaadayaa oo la odhanayaa qoyska madaxweynaha ayaa dhulkan lahaan jirey. Waddanimada iyo cadaaladu ma waxa weeye, wax kastoo ay qolodan SNM-tu samayso waa sharci xitaa hadii aanu waxaasi wafaaqsanayn distoorka Somaliland; waxii sharci ahina, sharci iyo cadaalad toona ma aha haddii waxaasi ay ka soo horjeedaan danta dadka SNM-ta iyo mujaahidninada ku qawleysta. Bal aynu isweydiino sababta ay xukuumadu ugu dhegan tahay, cida noqonaysa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland. Anigu markaan si walba u rog rogey, faalkaygii waxu i tusay/sheegay muddo kordhin loo kordhinayo madaxweynaha marka uu wakhtigii la doortay uu ka dhamaado, ilayn mar danbe wax ma weydiinsan karo dadkii uu ku yidhi fartiina ayaad eedeene.
Inaadeerkay madaxweyne Muuse, ma waxuu doonayaa inaanu u qaadno heestii ahayd” caynaanka hay, weligaa hay”. Bal adba

Waxa qoray Ali-khadar Xasan Cismaan (Cali kubad)
Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Komishanka doorashooyinka Somaliland

COMMENTS