BALIGUBADLE MEDIA
SOHASCO oo Soo Afmeertay Tobobar ay U Qabatay 160 Dhalinyaro ah
July 6, 2021 - Written by Ahmed ALI

Hay’adda waddaniga ah ee Sohasco Org ayaa si rasmi ah ugu soo afmeermay 160 dhallinyar ah kuwaasi oo 100 ka mid ahlagu tababbarrayey #Shaqo_carbinta (Employability and life skills), halka 60 danka kale oo waheen ahaa barayey xirfadda #Waji_qurxinta (Make-up or Face-bueatification skill), sidoo kale waxaa isna barnaamijkan qayb ka ahaa wacyigalin iyo la-talin la siinayey ardayda tababarka qaadaynay kuwaasi oo ku saabsanaa Tacadiyada ka dhanka ah waheen (GBV) siday uga feejignan lahaayeen, qorshaha qoyska (Family planning iyo Naas-nuujinta.

Barnaamijkan oo ay fulinaysay ururka SOHASCO, waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageeraysay UNFPA iyada oo la soo marinayey @Wasaaradda Dhallinyada iyo Ciyaaraha JSL.

Dhammaan barnaamijyadani waxa ay ka mid ahaayeen mashruuca horumarinta xirfadaha dhallinta (youth skills development project), maadaama dalku ku jiro xaalad koritaan baa ay xaruntu xirfadaha xoogga saartay. Intaa ka dib, waxa la qorshayn doonaa in shaqa-galin loo sameeyo dhallinta tababbaratay (job placement).

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS